|

Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Hawd oo ka Warbixiyay Hanaanka Imtixaanaadka Shahaadiga ah

Bali Gubadle 16.June (SDN) Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka Hawd  Maxamed sheikh Axmed ,ayaa  sheegay In   ilaa hadda uu maalintii labaad  si wanaagsan  uga socdo Imtixaanka shahaaditga ee  fasalada sideed ee dugsiyada dhexe iyo fasalada afraad ee dugsiyada  Sare goobaha imtixaanka  ee Gobolka, waxaanuu xusay in  ilaa hadda howsha imtixaanku ay si wanaagsan ugu socdaan wax caqabad ah oo la soo dersayna aanay jirin.

Gudoomiyaha Gobolka Waxbarashada Gobolka Hawd Maxamed sheikh Axmed, oo  u waramayey Shabakada Qurbejoog.com waxa uu  tilmaamay in  uu si  weyn ugu mahad naqayo Hawl-wadeenada  imtixaan qaadista ee ka howl galay Goobaha imtixaanada ee Gobolka.waxaanuu intaa raaciyey  in ardayda imtixaanka u fadhiistay ee Degmada Salaxlay iyo  Bali-gubadle  ay dhan yihiin wadartooda Guud ee fasalada afraad iyo fasalada sideed Boqol iyo Laba arday.

Kuwaasi oo uu sheegay in si  aad wanaagsan ay howsha imtixaan qaadista u gudanayaan., isaga oo intaa raaciyey in aanay jirin ilaa hadda wax caqabad ah oo howsha imtixaan qaadista  la soo dersay.

Ugu Danbayntii Gudoomiyuhu waxa uu u raJeeyey ardayda  imtixaanka u fadhiistay inay guul ka gaadhi doonaan  imtixaanka, isaga  sidoo kale  mahad-naq iyo hanbalyo ujeediyey  Masuuliyiuinta Wasaarada,gaar ahaana xarunta imtixaanaadku sida wanaagsan  ee ay u  diyaarisay una tabaabushaysay howsha imtixaan qaadista  dalka.

Bali Gubadle SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed