Gudoonka Jamacadda Hargeisa oo ku Adkaystay Kordhinta Lacagta iyo Mowqifka Ardayda. By:Xasan Qamaan
Mudo laba todobaada ayaa laga joogay xili ay ardayadu
jamacadda hargeisa mudaharaada ay kaga cabanayaan kordhinta lacagta
laga qaado jiray ee fee-ga Semesterka oo lacag cusub lagu daray
ayaa joojisay tagtaanka jamacadda hargeisa iyagoo oo sobob uga dhigaya
inanay qaadi Karin wakhtigan lacag dheer ah.
Ardayda qaar ka mid aya xidhna mudo todobaad ah iyaga oo ay ciidmada
amaanka ku qabteen mudahaarad ku muujinayeen siday uga xun yihiin in
wakhtiga lagu kordhiyo lacag qaar mid class-yada jamacadda oo ay ku
tilmaameen inay tahay wax ka fog cadaalada iyaga sobob uga dhigay
inan lagu kordhin ardayda ku jirta afarta sano ilaa sadex sano ee
dhigta jamaacadda ardaydii lagu qabtay mudaharaadka ayaa ku jiray
saldhig –yada mudo todobaada ah waxa dadaal ka galay sidii loo soo
dayn laha walidintiina dhalay ubadka xidhan.
Gudoonka jamacada hargeisa ayaa ku adkaystay kordhinta lacagta cusub
ee ay ku kordhiyeen ardayda ku jirta mudada labad- sanadood ah oo
gaadhaysa $ 30 halka horay looga qaadi jiray semester-ka $180
maamulka jamacada iyaga oo sobob uga dhigay in kor loo qaadayo
tayada warbarshada jamacadda iyo macaliniminta wax u dhiga ardayda.
Hadaba waxan arintan ka wareysanay Gudoomiye ku Xigeenka Jamaacadda
Hargeisa Prof.C/salan Yasin oo aan wax ka waydinay wax xiligan keenay
kordhinta lacagta qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jamaacaadda iyo
sidii loo xalin laha cabashada ardayda oo gaadhay inay joojiyaan
waxbarashadii Gudoomiyaha oo faahfaahinaya waxa uu yidhi kordhinta
lacagta cusub.
By:Xasan Qamaan