Gudoomiye Urur Siyaasadeed ka Jira Punt land oo dhaliilay Hogaaminta Madaxweyne Gaas iyo Qodobada uu u Cuskaday doodiisa
Garowe 24.Aug 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyihii Urur Siyaasadeedka Mucaraadka ah ee Puntland UDAD Siciid Sanweyne ayaa shir jaraa,iid oo uu ku qabtey Hotel NEWRAYS ee Magaalada Garowe waxa uu ka hadlay 6 qodob oo uu ku dhaliilayo Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Prof: C.wali Maxamed Cali (Gaas).
Siciid Sanweyne ayaa sheegey muddo laga joogo 8 bilood inuu ku dhaliilayo ” La dagaalanka Musuq Maasuqa, Hirgalinta Hanaanka Asxaabta badan, Maamul wanaaga, Dhinaca Arrimaha Dastuurka Puntland, Arrimaha Federalka, iyo Arrimaha Dhaqaalaha.
Waxa uu ku eedeyey Xukuumada Puntland inay ka gaabisay dib usoo celinta arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland, taas oo uu sheegey inay ahayd mid howl badan horey looga soo qabtey islamarkaana uu ku yimid dib u dhac balaaran oo ay sababtey Xukuumada Madaxweyne Gaas.
Waxa uu sheegey inuu muran ka jiro wasaarada Arrimaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta ee lagu soo kordhiyey wasaaradihii horey u jirey ee Puntland, isagoona carabka ku dhuftey inaan la isku waafaqsanayn sharciyada arrimaha dimuqraadiyeynta loogu darey magaca wasaaradaas.
Waxa uu sheegey inaysan wali ka hanaqaadin Puntland dhinaca maamul wanaaga islamarkaana aysan kala soocnayn gollaha fulinta iyo gollaha lacagtu isagoona tusaale usoo qaatay in uusan awoodo badan lahayn Xisaabiyaha guud ,sidoo kale uusan sidii looga baahnaa u gudanayn hanti dhowr-ka Puntland
Waxa uu sheegey inaysan faahfaahin dadweynuhu ka hayn heshiisyada dhanka kheyraadka ee ay la gashay Xukuumada Puntland Dowladaha Caalamka, sida midka kaluumaysiga iyo Kuwo kaleba.
Go,aankii Dowlada Puntland ee Heshiiska Maamul u samaynta Gobolladda dhexe ayaa ka mid ahaa qodobada uu kusoo hadal qaaday shirka jaraa,iid ee uu galabta ku qabtey Garowe Siciid Sanweyne oo ah Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedkii UDAD.
Wuxuuna sheegey inuu soo dhaweynayo go,aankii ay kasoo saartey Xukuumada Puntland, balse uu ahaa mid ka dabo tag ah oo horey looga baahnaa ka hortag sidii ay uga samayn lahayd, loogana tashan lahaa inay imaan kartey arrinta noocaas oo kale ah.
Siciid Sanweyne ayaa sheegey inay ku timid dhaliil ay leedahay Dowlada Puntland, isagoona sabab uga dhigay in loo baahnaa inay dareen dhow u lahaato ka hor inta aysan dibada usoo bixin, balse sida muuqata ay ku baraarugtey kolkii ay banaanka timid.
Waxa uu sheegey inuu ka mid ahaa dadkii ku hanweynaa inay horumarin iyo qorshe siyaasadeed oo cad ka yeelan doonto Xukuumada Madaxweyne Gaas arrimaha dhaqaalaha balse anfariirkii ugu horeeyey uu uga soo muuqday gollihii Xukuumada uu usoo magacowday.
Wuxuu sheegey inuu kasii hooseeyo dhaqaalaha Puntland sidii uu horey u ahaan jirey, islamarkaana uu jiro dib u dhac balaaran oo ay dhaliisheeda leedahay Xukuumada Madaxweyne Gaas.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com