Gudoomiye Saleebaan-Nuur ayaa maanta Hanbalyeeyay Jaaliyadda Magaaladda Sheffield
05,Apr.2014(SDN)-Gudoomiyaha Golaha Guurdida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa maanta dhambaal hanbalyo ah u diray Jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladda Sheffield ee dalka Britain,sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay ugu heelan yihiin ka midho dhalinta Qadiyadda Madax-banaanidda JSL, soomaliland oo ah waxa kaliya ee dadkan iyo dalkani Dunida ka baadi goobayaan wakhti xaadirkan.
Gudoomiyaha oo qaar ka tirsan Warfidiyeenadda ugu waramayay Xafiiskiisa magaaladda Haragaysa,ayaa waxa uu sheegay in Jaaliyadaasi guul balaadhan oo baaxad leh ay kasoo hooyeen ololaha Ictiraaf raadinta JSL.waxaana Gudoomyiha hadaladiiisii ka mid ahaa “waxaan ku farxsanahay Guusha ay gaadheen jaaliyaada reer Somaliland ee magaaladda Sheffield.wey mudan yihiin in la bogaadiyo iyo in lagu daydaba”.
Gudoomiayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yidhi “dadka reer Somaliland waa inay u mahad ceshaan Guusha ay walaaloheen keeneen.waana in loo ogaadaa doorkooda firfircoon ee dalka ugu jiraan”.ayuu hadalkiisii ku soo Gunaanaday Gudoomiyaha Golaha Guurtida JSL,Md.Saleebaan Maxamuud Aadan
SDN-Hargaysa
Contact@somalidiasporanews.com