Gudoomiye Muuse Biixi oo Shirkada Dahabshiil ka Raali Geliyay Hadal Meel ka dhac ah oo ka soo Yeedhay Taageerayaashiisa
Hargaysa 15.June 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa raali galin ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeedhay mid kamida beesha degta waqooyiga Hargeisa kaas oo duray xawaalada dahbshiiloo Raaligalin siiyay shirkada Dahabshiil .
Ujeeddo; RAALIGALIN
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka raaligalinayaa shirkada Dahab-shiil hadal gaf ah oo ka soo yeedhay xubin ka tirsan xubnaha qurba jooga xisbiga kulmiye.
Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha qaranka,
Sidaa daraadeed Dahabshiil iyo shirkadaha kalaba ma gayaan in lagu yidhaa waxaan qabanin.
Sida Dastuurkeenu qorayo waxaynu leenahay ganacsi xor ah, oo dalka oo dhan u adeega.
Mar kale waxaanu kaa raaligalinaynaa guud ahaan ganacsatada wixii duulduul ka soo gaadha hadalada siyaasada.
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi