|

Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Xildhibaan Kijaandhe oo Fiintu dhex Miranaysay oo Hargaysa Ku Kulmay

Hargaysa 01 Feb , 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka mid ah is-baheysiga Kulmiye, ee qaadacay Shirkii Golaha Dhexe ee kulmiye, ahaana Musharaxa Madaxweyne,ayaa la sheegay inuu kulan ku dhexmaray Magaalada Hargeysa.

kijandhe and muuseWarku waxa uu intaasi ku darayaa inuu kulanku uu ka dhacay aqalka Xidhibaan Kijaandhe,kadib markii uu gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ku soo booqday aqalkiisa si uu u soo maslaxdo.

Waxa kale, oo uu warku intaasi ku darayaa kulankaasi oo qaatay saacado inay labada dhinac kuwada sheekeysteen, balse wax natiijo ah aanay ka soo bixin.

Kulankan oo ay u-jeedadiisu ahayd mid Muuse Biixi ku soo maslaxanayo kooxihii is-bahaysiga Xisbiga KULMIYE ee ka cadhooday  Shirweynihii 5aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo loogu doortay Murashaxnimada Madaxweynanimada Xisbiga KULMIYE.Kaas oo uu ku doonayo inuu ku qanciyo hal-doorka ama hoggaamiyayaasha Kooxda Is-bahaysiga Xisbiga KULMIYE inay wada hadalo furtaan, dib loogu nooleynayo rajo soo celinta inay kooxahaasi is-bahaysigu inay dib ugu soo noqdaan Xisbiga KULMIYE.

Hasa-yeeshe lama oga waxay labada dhinac kulankaasi ku  kala yimaadeen maadama aanu go’aan ka gaadhi karin wixii ay isla soo qaadeen. Taasi waxay muujineysa dabac ka yimi xagga xukuumadda iyo Xisbul-Xaakimka KULMIYE oo la odhan karo waxa kalifey  soo dedejiyay dhaqdhaqaaqa Xisbiyada Kale ee UCID iyo WADDANI ay ku doonayaan inay la midoobaan kooxda Is-bahaysiga Xisbiga KULMIYE oo toddobaadadii u danbeysay aad loo hadal-hayay ama ay muuqaneysay inay arrintaasi jirto.

Waxaa kaaga filan Socdaalkii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) ku tagay Gobolka Togdheer iyo deegaanada hoos yimaada oo ay ka dhex muuqdeen Wasiir Kuxigeenkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir Iyo Xildhibaan Waabeeye oo ka mid ahaa Is-baheysiga Xisbiga KULMIYE.

Sidoo Kale, guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe oo isaguna si aan gabasho lahayn ugu baaqay inay is-bahaysiga Xisbiga KULMIYE ku soo biiraan Xisbiga UCID, kaas oo maanta ku soo baxay mid ka mida Wargeysyada madaxa-banaan ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa.

Lama oga inay sii socon doonto talaabadaas uu Muuse Biixi qaaday iyo inay ka ahayd beeqaaq uu ugu kuurgalayay inuu ku ogaado halka ay taagan tahay Jawigooda Siyaasadeed.

Comments are closed