Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Salal oo Laamaha socdaalka ee Lawyacado Kulan la yeeshay
Lawyacado May 09,2012(SDN)-Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Salal Md Cali Alaale Rayaale ayaa maanta shir kula yeeshay laanta socdaalka ee degmada Lawyacado madaxada iyo hawl wadeenada laamaha dawlada ee gobolka salal.
Ujeedada Socdaalkan Badhasaabku xigeenka Ayaa Ah ku wajahnayd Xog Ogaal U Noqoshada Habsami U Socodka Hawlaha Shaqo Ee Waaxyaha Kala Duwan Laamaha Dawlada.
Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Salal Markii Uu Gaadhay Magaalada Lowyacado Ee Ku taala Xuduudka S/land La Wadaagto Jabuuti Waxa Uu Kulan La Yeeshay Dhamaan Madaxda Dawlada Sida: Taliyayaasha Ciidamada Difaaca Qaranka, Ilaalada Xeebaha, Nabad Gelyada,Laanta Socdaalka , Sirdoonka Qaranka iyo Maamulka Kastamka Lowyacado Ee Gobolkan.
Waxa Kale Oo Shirkani Kasoo Qayb Galay Maamulka Magaalada, Qaar Ka mida Ganacsatada Magaalada Lowyacado Iyo Marti Sharaf Kale.
Kulankan Oo Ka Dhacay Hoolka Shirarka Laanta Socdaalka Lowyacado Ayaa Ugu Horayn Waxaa Ka Hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal Mudane Cali Allaale Rayaale,Waxa Uuna Ku Dheeraaday Adkaynta Nabad Gelyada Xuduudaha Iyo Sii Xoojinta Xidhiidhka Wadamada Jaarka.
Sidoo Kale Waxa Halkaasi Ka Hadlay Taliyaha Qaybta Policeka Gobolka Salal Maxamed Cabdi Axmed Waxaanu Sheegay Taliyuhu In Aan Loo Baahnay Wax kastoo Car Qalad Ku Ah Nabad Gelyada Sidoo Kale Wuxuu Ku Dardaarmay sidii looga Hortagi lahaa Wax Kasta oo Keeni Kara Amaan Darro.
Waxa Kaloo Isna Goobtaasi Ka Hadlay Maamulaha Kastamaka Lowyacado Cilmi Sh.Cabdi Maydhane , Taliyaha Laanta Socdaalka Saylac Cali Jaa’uur Iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka Ee Gobolkan Dayib Yuusuf Dugsiiye. Waxayna Dhamaantood Carabka Ku Dhufteen Inay Marka Hore Soo Dhawaynayaan Shirarka Noocan Oo Kale Ah kaas oo dalbadeen sidii loo joogteeyo lahaa
Gabagabadii Waxaa Si Wada Jira La Is Kula Qaatay In Dhinac Kasta Oo Ay Ka Iman Karto Dhibaato Iyo Waxyeelo Keeni Karta Awooda Lawada Saaro Lana Ilaaliyo Amaanka Xuduudaha,Isu Socodka Gadiidka iyo Dadwaynaha Ee Labada Dal S/Land Iyo Jabuuti.
SDN-Lawyacado