|

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolk Maroodi Jeex oo ka Waramay Khasaaraha ka dhashay Raxmaadkii eebbe

Hargaysa 14.Nov 2013 (SDN)- Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodijeex Ms Rashiid Axmed Maxamed oo ku gudo jira kormeer  ku saabsan xog ogaal u noqoshada xaaladda degmooyinka gobolka hoos yimaadda ayaa maanta warbixin hordhac ah oo faahfaahsan ka bixiyey roobabkii gobolka ka da’yey maalmahii u dambeeyey iyo deegaanada  khasaarauhu soo gaadhay.

RASHIID AXMEDGudoomiye ku xigeenka oo Warbaahinta u Waramayay isagoo ku sugan degmada dararaweyne ayaa sheegay in intii uu kormeerkiisa uu ku maray deegaanada kala ah Dararweyne, jaleelo, Xumbo-weyne, Alaal-cadka, iyo Sabowanaag, indhihiisana uu ku soo arkay deegaanada khasaaruha gaadhay. Sidoo kalena xidhiidh dhinaca taleefoonka ah  uu kula hadlay maamulkii degmooyinka kala ah Faroweyne, Daarusalaam, iyo Sallaxley

Md Rashiid waxa uu sheegay in degmada Dararaweyne iyo nawaaxigeeda oo keliya ay dumeen illaa sideetan guri oo u badan dergedo dhoobo ka samaysnaa oo hoy u ahaa dadweynaha deegaanka, ugu yaraana ay ku baro kaceen 200 qoys, kuwaasoo si ku meel gaadh ah loogu daad-gureeyey xarumahii Schoolada iyo saldhigyadii Booliska.

Isla degmada dararaweyne ayaa gudoomiye ku xigenku waxa uu xaqiijiyey in ugu yaraan Kun neef oo xoolo ahi ay ku dhinteen kuwaasoo u badan deegaanada Dhamalka, xumboweyne iyo laasgeel. Dhul beereedkiina ay saamaysay dhibaatadani, Halka sidoo kalena degmada Cadaadley ay ku riiqdeen xoolaha qaarkood

Dhanka kalena badhasaab ku xigeenka Gobolka maroodijeex Md rashiid Axmed maxamed xidhiidhkiisa taleefoon ee uu la sameeyey degmooyinka kala ah Salaxley, faroweyne iyo sabowanaag, ayaa maamulka deegaanadaasi waxa ay ku wargeliyeen in ay barwaaqaysteen oo aanay illaa hadda haynin wax khasaare ah oo soo gaadhay, halka degmada  daarusalaam ay dhibaato soo gaadhay dhanka xoolaha nool gaar ahaan deegaanada xeebaha ku dhow. Isla markaana ay go’an yihiin jidadkii geli jiray magaaladaasi oo ay rogmanayaan daadad xoogan oo ka dhashay Raxmadda weli ka da’aysa halkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka oo weli ku gudo jira socdaalkiisan uu ku qiimaynayo khasaaraha ka yimid roobabkii iyo dabayshii qoyanayd ee is huwanaa ee maalmahan ka da’ayey deegaanada Gobolka ayaa  waxa uu farriin u soo diray dhamaan hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, ururada wadaniga ah, ganacsatada waaweyn ee Somaliland iyo Xukuumadda dhexe isagoo ka codsaday inay ka qayb qaataan sidii  gargaar loo gaadhsiin lahaa dadka ay gacmahoodii ka baxeen wax kasta oo ku jiray kuwaasoo ay dhaafeen xoolahoodii noolaa ee ay haysteen iyo dadka kale ee ku barokacay  roobabkii da’ayey oo ahaa kuwo watay dabaylo qoyan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed