Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada oo Beeniyay in Beeshiisu Xasaanadii kala Noqotay,Eedayna u Jeediyay Mid ka Mid ah Shaqaalaha Dawlada {DHAGAYSO}
Hargaysa 26.May (SDN) Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Yuusuf ayaa maanta beeniyay War lagu baahiyay Wargaysyada ka soo baxa Caasimada Hargaysa oo Sheegayay in Beesha uu ka soo jeeda ay kala noqotay Xasaanadii Xubinimadiisa isla markaana ay qoraal arrintaas ku saabsan u gudbiyeen Xisbiga Kulmiye.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladu waxa uu Xusay in arrintaas uu ka danbeeyay Xubin ka tirsan Shaqaalaha Dawlada oo ka hawl gala Wasaarada Arrimaha Gudaha,isagoo intaas ku daray in aanu ugu hadhayn been abuurkaas uu ku qoray wargaysyada isla markaana uu la Tiigsan doono Sharciga.
Mudane Cali Yuusuf Axmed Waxaa kale oo uu sheegay in hadii xubin Golaha Wakiilada ahi ay danbi gasho ay leedahay dariiq loo maro,cida qudha ee Xasaanada kala noqon kartaana ay tahay Golaha Wakiilada ee uu hogaankooda ka mid yahay.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CaliYusuf26.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com