Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani oo Ka Fal Celiyay Dareenkii Mudanayaasha Gobolkiisu ku qaadaceen Shirqoolkii Dhicisoobay ee Wakiilada
Hargeysa 16.Oct 2014 (SDN/QJ):- Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaradka ah ee WADDANI Md:Axmed Muumin Seed ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada golaha wakiilada ee ka soo jeeda gobalka Awdal oo maalintii shalay ahayd gabi ahaanba qaadacay in mooshinkii xil ka xayuubinta guddoomiyaha aqalka baarlamaanka Somaliland ee ay wadeen xildhibaanada muxaafadka ahi,waxaana uu tilmaamay in xildhibaanadan ay taariikhdu qori doonto,isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in ay talaabadan ay qaadeen ay tahay mid muujinaysa sida ay xildhibaanada reer Awdal ay yihiin kuwa ugu lexlo jeclada badan qaranka Somaliland.
Md:Axmed Muumin Seed ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta.”Maanta waxaa ay taariikhdu qori doonta oo aan doonayaa in aan halkan hambalyo fiican in aan ka gadhsiiyo xildhibaanada golahii wakiilada,ee ay soo doorteen reer Awdal,ee shicibka reer Awdal golaha u matalaayey oo dhamaantood arrinkaas ka biyo diida,goonina uga joogsaday runtii xildhibaanada taariikhada ayaa qorysa,waxaana ay taariikhdaasi ay aad u cadaynaysaa ee ay suntaysaa,in reer Somaliland lexla jeclada ugu badan ay reer awdal leeyihiin ayaa ay ina tusinaysaa oo ay qiraysaa,xildhibanada waxaan leeyahay wad mahadsan tihiin,runtiina waxaan leeyahay maalin wanaagsan ayaad garateen,taariikhdaana insha Allah idin qoridoonta”Ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Axmed Muumin Seed ayaa waxaa uu sida oo kale waxaa uu baaq u diray ciidamada amaanka qaranka Somaliland,isaga oo uga digay in ay xabad nool ay u adeegsadaan dadka shicibka ah.waxaana uu sida oo kale uu tibaaxay in ay xaalada maanta uu dalku maraayo ay aad uga biyo diidsan yihiin,waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantay hogaaminta talada dalka.
“Waxaan baaq u dirayaa ciidamada qalabka sida,runtii ciidamada qalabka sidaa waa ciidamadii dalka,waa ciidamo loogu talo galay in ay waxii dalka ku soo duulay ay wax ka qabtaan,waxaan leeyahay ciidamada qalabka sida waa in aydaan awooda,qoriga iyo xabada waa in aydaan u adegsan inamadiina jaamacadaha ku jira iyo waalidkiina iyo caruurtiina soo koraysaba.waxii khaldan waa in dhinac looga soo wada jeestaa,xildhibaanadii golaha deegaanka ee Barbera waad ogaydeen in jidh dil lagu sameeyey,xildhibaanada golaha wakiilada ee xidhana hada qaar ayaa jidh dil lagu sameeyey,waxaas oodhan waxaa ay keenayaan in aan sharcigii shaqaynayn,xaalada maanta halka ay marayso anagu aad iyo aad ayaanu uga biyo diid sanahay aad iyo aadna aanu runtii u dhaleecaynayno laakiin waxaanu leenahay Xukuumadani taladii dalka waa ay ku fashilantay”Ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed.