|

Gudoomiye Jawaari oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Wadanka Iran Ali Larijani

Tehran 17.Feb 2014 (SDN)- Guddoomiya baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta magaalada Tehran kula kulmay dhiggiisa dalka Iran, Ali Larijani, waxayna ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

177777777Jawaari ayaa kulanka kaddib sheegay in ay baarlamaanka Iran ka codsadeen inuu xildhibaannada Soomaaliya ka caawiyo dhinaca tababarrada.

Wuxuu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Iran uu ballan-qaaday inay si joogto ah u caawin doonaan baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku amaanay hufnaantii uu ku maareeyay isbeddelkii siyaasadeed ee dhowaan ka dhacay Muqdisho.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka kala tirsan baarlamaannada labada dal iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tehran Khaliif Kadiye Muuse.

Tehran SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed