|

Gudoomiye Cirro oo Ka Hadlay Kulan ay la Lahaayeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Baaqday

Hargaysa 17.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha  Golaha Wakiiladda Somaliladn Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa ka hadlay kulan ay la lahaayeen Madaxwynaha Somaliland guddoomiyeyaasha Asxaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID.

Photo Fille

Photo Fille

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo maanta la hadlay warbaahinta,ayaa sheegay in ay balantii ay labada guddoomiye xisbi mucaarid la lahaayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) in aanay qabsomin isla markaana ay dib ugu dhacday maalinta sabtida.

“Balantii aanu Madaxwynaha la lahayn dib ayay u dhacday waxaanu maanta Madaxweynuhu kulan la lahaa bulshada rayidka ah kulankaasina wali muu dhamaan oo wuu socdaa markaa kulanka aanu anagu la lahayna dib ayuu u dhacay waxaanu noqonayaa maalinta sabtida.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlayay waxa ugu weyn ee ay labada guddoomiye Xisbi mucaarid Madaxweynaha kala hadli doonaan,ayaa yidhi.

“Waxaanu Madaxweynaha kala hadlaynaa  kala madax bannaanaynta diiwaan galinta madaniga ah iyo diiwaan galinta codbixiyeyaasha kulankaasian sabtida ayuu u dhacay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed