|

Gudoomiye Cirro oo fashiliyay heshiis dowladda Somaliland Ay la Saxeexatay dowladda fadaraalka Soomaaliya.

Hargeysa,6july,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland cirro ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa eed dusha uga tuuray  dowlada Somaliland isagoo sheegay in dowladda somaliland ay heshiis la saxeexatay dowladda fadaraalka soomaaliya, isagoo gduoomiye cirro sheegay in warkaasi uu yahay mid banaanka usoo baxay oo ay daabacday shabakadda siraha aduunka faafisa ee  wikileaks.

”Waxaanu maanta jecelnahay in aanu halkan shacabka Somaliland ugu soo bandhigno war aan farxad lahayn oo ah in dowladda ama xukuumadda Somaliland ay soo if baxday, waxa aad ka warqabtaan in wikleaks ay bayaamisay waraaqo laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka sucuudiga, waraaqahaa la helay ee faraha badan waxa ka mid ahaa xog laga helay oo ku saabsan in xukuumadda Somaliland ay febuary 18keedii 2012kii lasaxeexatay dowladda soomaaliya iyo puntland iyo maamulgoboleedyo kalaba inay ka mid noqoto fadaraalka soomaaliya” ayuu yidhi gudoomiye cirro.

gudoomiye cirro ayaa ayaan darro ku tilmaamay in dowladda Somaliland ay qiratay inay heshiiskaasi la saxeexatay dolwadda fadaraalka soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee xukuumada Somaliland ayaan wax jawaab ah ka bixin eedaynta gudoomiye cirro.

 

Hargeysa. QJ/SDN

Comments are closed