|

Gudoomiye Cirro “Hay’adaha Amnigu Waa In Ay Ka Madax Banaanaadaan Tartamada Siyaasadeed Ee U Dhexeeya Xisbiyada Qaranka”

Hargaysa 03.Dec 2014 (SDGuddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hay’adaha amniga uga digay inay ku dhex milmaan xisbiyada qaranka, islamarkaana wuxuu sheegay haddii cid gaar ahi, si gaar ah u isticmaasho inay luminayaan kalsoonidii shacabku ku qabay.
cirroGuddoomiyuhu wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebooka.Qoraalka oo dhammaystiran wuxuu u dhignaa sidan:“Hay’adaha amnigu waa in ay ka madaxbanaanaadaan tartamada siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada qaranka.Haddii cid gaar ahi si gaar ah, u isticmaasho hay’daha amniga waxa ay luminayaan kalsoonida ay shacabka ku qabaan, waxaana ay gaadhi kartaa in kalsoonida dawladnimada lagu qabaa wiiqanto. Waxa si gaar ah aan ugu baaqaynaa in aan ciidanka lagula dagaalamo argagixisada ee RRU aan loo adeegsanin arrimaha siyaasadda; arrintaasina waa mid khatar weyn keeni karta.Waxaa laga yaabaa in maanta cidda ciidanka amarka siinaysaa ay dano gaara ka leeday, laakiin tani uma adeegayso nidaamka dawladnimo, maadaama oo cidda maanta xilka haysaa aanay berri haynin.Waxa wanaagsan inay madaxdu dadkooda u dhigaan dhaqan siyaasadeed oo xalaal ah oo laga dhaxlo oo aan ku dhisnayn curfi iyo cadawtinimo dadka ay kula dhaqmaan hay’adaha amniga ee ku shaqeeya taageerada shacabka ee dhan kasta leh, haday noqoto cashuur iyo haday noqoto dadka oo iyagu amniga si toos ah ugala shaqeeya hay’adaha.

“Xisbiga Waddani waxa uu cod dheer ku sheegayaa in siyaasadda iyo hay’daha amniga iyo difaaca dalku ay kala madax baanaanaadaan, oo ciidamadu aanay laynin kuwii ay ahayd inay difaacaan.

Comments are closed