|

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo Khudbadii ugu Adkayd Ku Soo Bandhigayay Dhaliilaha Dawlada ee Doorashooyinka {DHAGAYSO}

Hargeisa 03.Sep 2014 (SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,ayaa Maanta Si adag uga Hadlay  arrimaha Doorashooyinka isagoo dhaleecayn ba’an u soo Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo uu ku eedeeyay inaanay  dhab ka ahayn dooda ay ku sheegaan inay qabanayaan doorashooyinka Xiligii loogu talo galay.

Gudoomiye Cirro Waxa uu Xusay in Xukuumadu ay isa soo raacisay laba Xeer oo aan is qabanayn kuwaas oo kala ah Xeerka Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Ka Codbixiyeyaasha Kuwaas oo u Muuqda ayuu Yidhi inay Dabar ku Yihiin Qabsoomid doorashada.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Maanta hadalkan ka Jeediyay Kulan uu Xisbigiisu ku soo dhawaynayay Xubno Cusub oo Ku Soo Biiray.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO KHUDBADII GUDOOMIYE CIRRO

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Cirro03S.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed