|

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Aragti Haboon iska taagay Khilaafka Golaha Wakiilada DAAWO

Hargaysa 15.Nov 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa ayaa baaq u jeediyey shacabweynaha Somaliland, kuna adkeeyey adkaynta nabadgelyada iyo muujinta ilbaxnimadooda.

Md Muuse Cabdi Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo shir jaraa’iskaa ay ku wehelinayeen gudoonka sare ee xisbigu waxa uu ugu horayn sharaxay khilaafaadka soo kala dhex gala barlamaanada caalamka, waxana uu si buuxda u caddeeyey mowqifka xukuumadda eek u aaddan qabashada doorashooyinka

Dhanka kalena Gudoomiyaha xisbiga kulmiye waxa uu ugu baaqay bulshada Somaliland inay ilaashadaan deganaanshahooda, waxana uu xusay in arinta baarlamaanku tahay mid iyaga u taalla lama huraana ay tahay inay u maraan xeerarka iyo shuruucda dastuuriga ah.

Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in Uumigii Doorashooyinku ay ina hayaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed