|

Gudoomiyaha Ururka ODXA Marwo Faadumo Siciid oo Kun dollar ku Wareejisay Gudida Dhisaysa Biriij loo samaynayo Xaafada Maxamed Mooge ee Hargaysa

Hargaysa 27.Feb (SDN)  Ururka wadaniga ah ee ODXA   Maanta ku wareejiyey Guddiga dhismaha Biriijka Xaafada  Maxamed Mooge ee Magaalada  Hargeysa  deeq lacageed oo ay urur ahaan kaga qayb qaadanayaan dhismaha Biriijkaas .

Gudoomiyaha  Ururka  Wadaniga ah ee ODXA Marwo Faadumo Siciid Ibraahin, oo   ka hadashay munaasibada  Gudoonsiinta Lacagta Tabaruca ee ururka  odxa  kaga qayab qaadanayo dhismaha biriijkaas oo dhan (Kun Doolr) gudiga dhismaha Biriijka,ayaa waxa ay ku bogaadisay   isku xil-qaanka dhismaha biriijka ,  waxaanay tilmaamtay in  biriijka dhismihiisu aanu ahayn  wax fudud balse halka uu maanta marayo ay soo gaadh-siiyeen  ay mudan yihiin ayay tidhi Marwo faadimo siciid  in la han-balyeeyo oo loogu mahad naqo wax-qabadkaa ay muujiyeen .Marwo faadimo siciid  waxa ay intaa raacisay in howsha dhismaha biriijka ay tahay  masuuliyad  qaran  isla markaana  Gudigu ay ku dhaqaaqeen shaqo qaran oo ay mutada-wac-nimo u fulinayaan, ilaahay baana ka abaalin. Waxaanay tilmaamtay qiimaha ay leedahay  sadaqada lagu bixiyo  goobahan  iyo kuwa la midka ah .

Marwo faadimo Siciid Waxa ay ugu  baaqday dadweynaha  iyo Xukuumadaba in howshan  ay  gacan ka gaystaan  oo ay kala qayb-qaataan  dadka Muwaadiniinta ah ee iyagu isu xil-qaamay fulinta  shaqadan qaran ee qiimahaha badan.waxaanay si gaar ah ugu soo jeedisay D/Hoose in taakulayntii biriijka ay ka gaysatay EE HORE inta ka hadh-sanna inay  ugu soo dhakh-sadaan.

Waxa kale oo iyana  halkaa ka hadlay, Gudoomiyaha degmada Maxamed Mooge,   Maxamed C/llahi, Gudoomiyaha Guddiga dhismaha Biriijka xasan ibraahim xuseen iyo Xog-hayaha gudiga dhismaha Biriijka ,iyo Chief caaqil Xuseen  aw Xirsi –Waraabe-Cade-.

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed