|

Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre oo Shan Gaadhi Gudoonsiiyey Shan Gudoomiye Maxkamadeed DAAWO

Hargaysa 01 Feb , 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa Shan Gaadhi Waxa uu ku Wareejiyey Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Goboladda Saaxil,Togdheer,Sanaag, Awdal iyo Maroodi Jeex.
Xaflada Gudoonsiinta Gaadiidkan oo lagu qabtay Xarunta Maxkamadda Sare Waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Waxaanu Sheegay in Gaadiidkan ay Hay’adda UNDP ku soo Wareejisay Garsoorka Somaliland isla Markaana uu rajaynayo inay Kaalin fiican ka qaataan hawl qabadka bah’da Garsoorka ee Ku hawl galaysa.

Comments are closed