Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Warbaahinta uga digay inaanay ka hadlin Kiis Maxkamad ku jira
Hargaysa 26 Dec.(SDN)- Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maanta soo gabo gabeeyay aqoon isweydaarsi mudo sadex cisho ah uga socday huteelka Imperial garsoorayaasha iyo Xeer Ilaaliyayaasha heer Qaran iyo mid gobol.
Aqoon isweydaarsigan ayaa xubnihii ka qayb galay waxa ay ku qaadanayeen duruus la xidhiidha Xeerka Anshaxa Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyayaasha, waxaana si wadajir ah u soo qabanqaabiyay hay’ada UNDP iyo Maxkamada Sare.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa ku guubaabiyay ka soo qayb galayaasha inay sida ugu haboon uga dhaqmaan Xeerkan.
Guddoomiyaha Maxkamad Sare waxa uu uga digay Warbaahintu inay ka dhawrsoonaadaan ka hadalka Kiis maxkamada ku jira oo gacanta garsoorka ku jira ilaa sida uu xusay ay Maxkamadu go’aan rasmi ah ka soo saarayso “Waxaan Saxaafada u Sheegayaa ama aqoon daro ha ka ahaato ama haba u badheedhee Waa Inaanay ka hadlin Kiis dacwadiisu ka socoto Maxkamad,hadii kale waxay u muuqanaysaa faro gelin, Sida Garsoorayaasha iyo Xeer ilaaliyayaasha uu Xeerkani u qabanayo ayaa iyagana loo qabanayaa” Waxa uu Gudoomiyuhu intaas ku daay ” Marka ay Warbaahintu ka hadli karto waa marka uu Kiiskaasi ka baxo gacanta Garsoorka”.
Si kastaba ha ahaatee Xeerkan anshax marinta Xeer ilaaliyayaasha iyo Garsoorayaasha ,ayaa sheegaya in lagu xakamayn doono xeer ilaaliyeyaasha iyo Garsoorayaasha ka hawl gala hay’adaha Garsoorku ,isla markaana hadii iyaga wax laga tabanayo uu fursad bulshada u siinayo inay ku soo oogi karaan dacwadooda.
Hargaysa SDN