|

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo soo Gabo gabeeyay Aqoon isweydaarsi ku saabsan Xeerka Anshax marinta Xeer ilaaliyayaasha iyo Garsoorayaasha

Hargaysa 01.April { SDN } Tababar soconayay muddo sadex maalmood ah isla markaana lagu lafo Gurayay habka xeer dhaqanka xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha Somaliland ayaa maanta lagu soo Xidhay  hotel Imperial ee magaalada Hargaysa.

Tababarkan oo ah wejigii sadexaad ee noociisa ah waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil cali iyo saraakiil ka socotay Hay’ada UNDP, iyadoo tababarkan Sadexda Cisho ku qaadanayeen xubno isugu jira garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ka kala socday Goboada dalka.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo hadal ka jeediyay Xidhitaankii Tababarkaas ayaa  sheegay in xeerkani uu yahay mid qabanaya xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha xiliga ay shaqada ku jiraan, halka sidoo kalena xeerkani saamaxayo sida uu yidhi in qofka muwaadinka ahi uu gudida cadaalada u soo gudbin karo hadii uu wax ka tirsado shaqada iyo go’aanada garsooraha, taasina ay wax weyn ka tarayso toosinta cadaaladda iyo garsoorka.

Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Md cabdisalaan oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda UNDP oo iyadu inta badan maalgelisa garsoorka wadanka.

 

Hargasya SDN

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed