Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Cadeeyay in Xafiiska Garyaqaanka Guud uu la Wareegay dacwadaha Madaniga ah
Hargaysa 29 Dec.(SDN) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maanta tababar uga furay huteelka Imperial Sodon Xubnood oo ka kala socday Xeer ilaalinta,Garsoorayaasha, Ciidamada Booliska iyo Asluubta.
Ujeedada aqoon isweydaarsigan ayaa ku saabsan sidii dib u eegis loogu samayn lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Xafiiska Xeer ilaalinta Guud iyo Ciidamada Booliska iyo Asluubta.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo madashii kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay doorka ay Xeer ilaalinta iyo Waaxyaha Baadhista denbiyadu ku leeyihiin Kiisaska denbiyada ah ee dalka ka dhaca waxa uu Gudoomiyuhu xusay in Xafiiska Xeer ilaalinta qaranku uu u taagan yahay oogista dacwadaha ciqaabta ah, Kormeerka Xabsiyada iyo sidii ay u soo hubin lahaayeen garsugayaasha ku jira xabsiyada si loo hor keeno maxkamdaha .
Gudoomiyaha Maxkamada Sare waxa uu sheegay in xafiiska xeer ilaalinta uu xil ka saaran yahay inuu u adeego dadka saboolka ah isagoo intaas ku daray in xafiisk Garyaqaanka Guud uu la wareegay dacwadaha Madaniga ah, Gudoomiyuhu waxa uu kula dardaarmay ka qayb galayaasha in ay ka faa’iidaystaan tababarkan Mudada uu socodo.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Aadan Axmedm Muuse iyo Sarkaal ka socday hay’ada Undp .
Hargaysa SDN