|

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Aqoon isweydaarsi u soo gabo gabeeyay Xubno ka mid ah Garsoorka dalka

Hargaysa 06.March (SDN)   Gudoomiyaha maxkamada sare jamhuuriyada  Somaliland Dr Yuusuf Ismaaciil  ayaa maanta usoo gabagabeeyey tababar muddo saddex maalmood ah u socday in kabadan 45 xubnod oo ka tirsan hay,adaha garsorka ee dalka.

Gudoomiyaha maxkamadav sare Dr. Yuusuf  Ismaaciil Cali, waxaa uu ka xog waramay faaiidada iyo muhiimada uu leeyahay xeerka anshaxa Garsoorayaashu, kaasi oo uu tilmamay inuu yahay mid lagu ilaalinaayo kalsoonida ay shacabku ku qabaan garsoorka iyo xeer ilaaliyaasha dalka.

Sidoo kale waxaa halkasi ka hadlay kusimaha xeer ilaaliyaha guud ee qaranka , waxaanu ka waramay in ay qabyo badani ka muqan jirtay xeerkani , haatana la meel mariyey oo uu faaido iyo waxtarba u leeyahay dadweynaha .

Gudoomiyaha garsoorka ee Gabilay Aadan Saleebaan Seed, ayaa isaguna tilmaamay faaiida uu leeyahay xeerka anshax marinta garsoorka dalka oo ka kooban 39 qoddob.

Hargasya SDN.

Qurbejoog.com@gmail.com

Comments are closed