|

Gudoomiyaha Madasha Wada-tashiga Mujaahid Xasan Guure oo ka Sheekeeyay Heerka ay Gaadhsiisan tahay Saaxiibtinimada Isaga Iyo Wasiirka Madaxtooyada DAAWO

Hargeysa 02.July 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Siyaasiyiinta la baxay Madashada Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay inay Saaxiibbo fiican yihiin isaga iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

SAAXIIBOXasan Guure waxa uu ka warramay ujeedooyinka loo aasaasay Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka ee ay ku midaysan yihiin Siyaasiyiin reer Somaliland ah, aragtidiisa ku aadan Siyaasadda Asxaabta Mucaaridka, Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo, heerka Musuqmaasuqa Dhaqaalaha Dawladda iyo Sharciyadda Golaha Guurtida.

Waxa uu Siyaasiga Xasan Guure Jaamac qodobbadan kala duwan kaga hadlay Waraysi dheer oo uu la yeeshay Soo-saaraha Barmaamujka Geeddiga Siyaasadda ee ka baxa Telefishanka Somalinewstv, waxaana Arrimaha wax laga waydiiyey kamida Mujaahidka, inta xil ee uu ka soo qabtay Xukuumadihii dalka soo maray iyo Dhaqdhaqaaqii SNM.

Madaxweyne Siilaanyo hal habeenbaanu kulanay intii talada hayay, habeenkaana waxaan u geeyey Nin aanu isku reer nahay” ayuu yidhi Xasan Guure oo ka waramayey xidhiidhka ka dhexeeya isaga Madaxweyne Siilaanyo. “Xisbiyada Mucaaridka wali Barmaamuj ay soo bandhigeen oo aan ku qanco maan arkin, laakiinse dalku wuxuu u baahanyahay isbedel”ayuu mar kale yidhi Xasan.

Hal mar ayaan xil ka qabtay Xukuumadii Marxuum Cigaal, markii dambena waan iska casilay markii aan saluugay qaabka wax u socdaan. Waxaan ahaa Wasiir ku-xigeenka Gaashaan-dhiga, dabaddeedna waxaan Ciidan ku uruuriyey Bir-jeex, aniga iyo Jaamac yare ayaan ahayn, markaasaa madaxweynihii lagu yidhi way ku Inqilaabayaan…” Sidaa ayuu yidhi Xasan Guure.

Waraysigan oo dhammaystiran, isla markana dhinacyo kala duwan taabanaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Hargeysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed