Gudoomiyaha Komiishanka Maamul Wanaaga ee Somaliland oo Kormeer Shaqo ku soo maray Wasaarada Warfaafinta
Hargaysa 11Jan.(SDN)
Gudoomiyaha Komiishanka Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa Axmed Muxumed Madar iyo Xubno ka tirsan Komiishankaas ayaa maanta kormeer hawleed ku soo maray Xarunta Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
Gudoomiyahan ayaa kormeerkiisu waxa uu la xidhiidhay Kormeer Guud oo ay intii Mudo ahaydba ku marayeen laamaha dawlada iyagoo u kuurgalaya habsami u socodka hawlaha Shaqo iyo sida ay Mas’uuliyiinta iyo Shaqaaluhuba u ilaaliyaaan Saacadaha Shaqada .
Axmed Muxumed Madar ayaa Sheegay in mudooyinkii u danbeeyay ay kormeer hawleed ku soo gaalaa bixiyeen gobolada dalka isla markaana ay soo indho indheeyeen habsami u socodka hawlaha ay hay’adaha dawladu u hayaan bulshada,isagoo intaas ku daray in Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelintu ay tahay tii kow iyo labaatanaad ee ay soo maraan isla markaana Sadexda gelinba Shaqaysa .
Gudoomiyaha Komiishanka Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqu waxa uu Sheegay oo kale in dhamaanba hay’adihii dawlada ee ay kormeerka ku soo mareen ay ka diyaariyeen warbixino sugan oo ku saabsan hawl galka Wakhtiga shaqada iyo ka bixitaanka,iyagoo ka duulaysa sida uu xusay buuga saxeexa Shaqaalaha,kaas oo ay u gudbiyaan Mas’uuliyiinta Sare ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawlada.
Hargaysa SDN.