|

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Sharciga Somaliland Ka Yaala Siyaasiyiinta Taga Somaliya

  • Hargeisa 07-11-2012 (SDN) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Hogaamiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI oo Maanta  warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrin ku saabsan dhinaca sharciga Somaliland oo hadal hayntiisu ku badnayd warbaahinta iyo shacabkaba.

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Waraysi kooban siiyey Shabakada Wararka ee (Somalidiasporanews.com ) ,Telefishanka Madaxa Banaan ee HC.TV iyo wargeyska Maalinlaha ah ee Geeska Africa .

    Ugu horayntii gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo aan su’aalnay bal inuu sharaxaad ka bixiyo waxa iska badalay xeerkii muwaadiniinta Somaliland ka xakamaynaayay inay ka qaybgalaan Siyaasada Somaliya waxa uu ku jawaabay “Xeerkan cid uu u fasaxay inay tagto Somaliya ma jirto, waxa uu xeerku fasaxayaa in xukuumada Somaliland oo kaliyaata oo haysata wakiilnimadii shacbiga, inay ka qaybgali karto shirarka lagaga hadlaayo arimaha Somaliya iyo Somaliland, si ay qadiyada Somaliland uga midho dhaliso, waxaanay iyadu matalaysaa dalkii iyo shacabkiiba, lakiin shaqsiyaad iyo cuqaal uu xeerku u fasaxay inay Somaliya tagaan ma jirto, xeerkana waxba kale qodabadiisa lagama badali ee waa sidii hore.”
    Gudoomiye Ciro oo aan Su’aalnay sida uu u arko cadaalad darada ay Foosiya Xaaji Aadan ay tirsatay ee ka dajisay Somaliya waxa uu yidhi “Foosiya waa muwaadinad reer Somaliland ah, hadii ay cadaalad daro tirsanaysayna waxa ay tagtay maxkamad oo maxkamadaha ayaa laga rabaa inay kala saaraan cadaalada iyo cadaalad darada, qof Somaliland u dhashay ama Foosiya hanoqdo ama xubin kale-hanoqdee oo xukuumada Somaliya ka qaybgalaa arin inugu cusub maaha, ilaa intii la samaynaayay xukuumadaa Somaliya waxa ka qaybgalaayay dad Somaliland u dhashay oo ka soo jeeda, waxaanay la xeer noqonaysaa kuwii hore ee ku jiray ee ka soo jeeday Somaliland, mana filaayo inay saamayn ku yeelanayso wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya.”
    Ugu danbayntii gu’doomiye Cabdiraxmaan Ciro oo ka jawaabaya warar warbaahinta qaar ay baahiyeen oo sheegayay in xukuumadu lacag ku taageertay ururka uu gudoomiyaha ka yahay ee Wadani waxa uu yidhi “Arintaasi aniga waxay ila tahay arin lagu qoslo, xisbiga Kulmiye tartan ayaa naga dhaxeeya, sabab ay xukuumada Somaliland lacag u siiso xisbi kalena ma jirto, arintaasi waa wax xaqiiqada ka fog, waxaan sal iyo raad toona lahayn weeye, waxay kamid tahay waxyaabahii hore ee layska qor qori jiray ayay aniga ila tahay Ugu horayntii

    gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo aan su’aalnay bal inuu sharaxaad ka bixiyo waa iska badalay xeerkii muwaadiniinta Somaliland ka xakamaynaayay inay ka qaybgalaan Siyaasada Somaliya waxa uu ku jawaabay “Xeerkan cid uu u fasaxay inay tagto Somaliya ma jirto, waxa uu xeerku fasaxayaa in xukuumada Somaliland oo kaliyaata oo haysata wakiilnimadii shacbiga, inay ka qaybgali karto shirarka lagaga hadlaayo arimaha Somaliya iyo Somaliland, si ay qadiyada Somaliland uga midho dhaliso, waxaanay iyadu matalaysaa dalkii iyo shacabkiiba, lakiin shaqsiyaad iyo cuqaal uu xeerku u fasaxay inay Somaliya tagaan ma jirto, xeerkana waxba kale qodabadiisa lagama badali ee waa sidii hore.”

  • Gudoomiye Ciro oo aan Su’aalnay sida uu u arko cadaalad darada ay Foosiya Xaaji Aadan ay tirsatay ee ka dajisay Somaliya waxa uu yidhi “Foosiya waa muwaadinad reer Somaliland ah, hadii ay cadaalad daro tirsanaysayna waxa ay tagtay maxkamad oo maxkamadaha ayaa laga rabaa inay kala saaraan cadaalada iyo cadaalad darada, qof Somaliland u dhashay ama Foosiya hanoqdo ama xubin kale-hanoqdee oo xukuumada Somaliya ka qaybgalaa arin inugu cusub maaha, ilaa intii la samaynaayay xukuumadaa Somaliya waxa ka qaybgalaayay dad Somaliland u dhashay oo ka soo jeeda, waxaanay la xeer noqonaysaa kuwii hore ee ku jiray ee ka soo jeeday Somaliland, mana filaayo inay saamayn ku yeelanayso wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya.”
    Ugu danbayntii gu’doomiye Cabdiraxmaan Ciro oo ka jawaabaya warar warbaahinta qaar ay baahiyeen oo sheegayay in xukuumadu lacag ku taageertay ururka uu gudoomiyaha ka yahay ee Wadani waxa uu yidhi “Arintaasi aniga waxay ila tahay arin lagu qoslo, xisbiga Kulmiye tartan ayaa naga dhaxeeya, sabab ay xukuumada Somaliland lacag u siiso xisbi kalena ma jirto, arintaasi waa wax xaqiiqada ka fog, waxaan sal iyo raad toona lahayn weeye, waxay kamid tahay waxyaabahii hore ee layska qor qori jiray ayay aniga ila tahay.”

    www.Somalidiasporanews.com Hargeisa Office

Comments are closed