Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Oo Dawladda Somaliya Ugu Baaqay Inay Ciidamo Gobolka,Si Ay U Kala Dhexgalaan Beelaha Dagaalamayaa
Marka:08,June,2014(SDN/QJ)- C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu ka qaylo dhaamiyay dagaal beeleedyada xilligaan ka soo cusboonaaday Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudoomiyaha oo Waramayay BBC-da ayaa wuxuu sheegay in dagaaladu ay dadku soo xusuusiyeen dagaal beeleedyadii horey dalka u soo maray, ee beel beel ay isku layn jirtay shacabka Somaliyeed.
Gudoomiyaha waxa uu iftiimiyay dagaalada toddobaadkaan ka soconaayo Gobolka Shabeellaha Hoose inaanu horey u arag mid la mid ah oo soo maray buu yidhi Gobolkan.
Tani, ayaa wuxuu ku macneeyay iyadoo ay si weyn u hubeysan yihiin beelaha xilligaan ku wada dagaalamaayo buu sheegay Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo shalay oo qudha uu sheegay in 12 ruux ay dhinteen.
Dhanka kale C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa Dowladda Somaliya ugu baaqay in Ciidan Nabad Suggid iyo Boolisba leh u soo dirto Gobolka Shabeellaha Hoose, si loo kala dhex galo labada beelood ee dagaalamaaya.
Siidii oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa carabka wuxuu ku adkeeyay inaanu Maamulkiisu awood u lahayn in uu kala dhex galo, beelaha sida weyn leh u hubeysan ee isku haaya Gobolka.
SDN/QJ-Marka
contact@somalidiasporanews.com