Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Maamulka Degmada berbera oo Kormeer ku maraya Deegaamo Gobolka Saaxil ah
Berbera 13.April (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo ay Weheliyaan Maamulka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera ayaa maanta Kormeer hawleed ugu Kicitimay Deegaano ka tirsan Gobolka Saaxil.
Weftiga Gudoomiyaha Ayaa la Sheegay in Safarkoodani uu ku qotomo Xog ogaal u noqoshada Xaalada dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaamada dhinaca Xeebta ee Gobolka Saaxil.
Weftigu waxay warbixino ka dhagaysteen dadka ku nool deegaamada Laas Ciidle iyo Xagal oo u gudbiyay sidii uu Maamulka Gobolka Saaxil iyo Ka Degmada Berbera uga Gacan Siin lahaayeen habar dugaaga gaar ahaan Waraabaha oo faro baas ku haya Xoolaha waxaa kale oo ay ka dalbadeen inay wax kala qabtaan dhinaca Wadooyinka oo ay ka haysato dhibaato Xoogan,Taas oo ay ka mid tahay Isu socodka dadka iyo Gaadiidka iyo Arrimo kale.
Gudoomiyaha iyo Weftigiisu Waxay gaadheen ilaa deegaanka Baylah ma leh oo 125 km dhinaca bari ka xigta magaalada berbera iyagoo Caawa ku soo hoyday Deegaanka Laas Ciidle .
Socdaalkan uu Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi iyo Maamulka Golaha Deegaanka ee Berbera ay ku marayaan Deegaamada Gobolkaasi ayaa Noqonaya kii u horeeyay ee Noociisa ah inkasta oo aan la Ogayn Saamaynta Isbedel ee uu Keeni karo
Berbera SDN.
qurbejoog.com