Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiyada Nabadgalyada ee Caasimada
Hargaya 05.March.(SDN) Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Maxamed Maxamud Jeeniyare oo ay Weheliyaan Ku Xigeenkiisa Rashiiid Axmed Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa maanta kulan la yeeshay gudida nabadgelyada ee caasimadda.
Kulankan oo ka dhacay xarunta gobolka Maroodijeex ayaa mas’uuliyiintu waxay warbixino ka dhegaysteen Gudiyada nabadgelyada caasimadda iyo gudida wanaag farista Somaliland iyadoo ay gudida wanaag faristu warbixintooda ku soo jeediyeen arimo ay ka mid yahiin in xal kama dambays ah laga gaadho joojinta dembiyada aflagaadada diinta iyo muxtaramaatka kale ee islaamka, halka sidoo kalena ay isla warbixintooda ku codsadeen dhul banaan oo laga dhiso xarunta guud ee hay’adda wanaag farista.
Dhankoodana gudida nabadgelyada caasimadda ayaa warbixintooda ku sheegay inay wadaan hawlgal guud oo ammaanka caasimadda ah kaasoo loola socdo guri/guri lana ogyahay waxyaabaha ku soo kordha caasimadda gaar ahaan dadka soo galootiga ah, waxana ay isla warbixintooda ku tilmaameen inay jiraan caqabado weli hortaagan habsami u socodka hawlaha ilaalinta nabadgelyada caasimadda caqabadahaas oo ay ka mid yahiin dhaqaale yaraan haysata gudidaasi.
badhasaabka Gobolka M/jeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare ayaa ku wargeliyey gudiyada uu la kulmay in ay labanlaabaan shaqooyinkooda isla markaana gobol ahaan waxii ay la qaban karaan ay la dhinac istaagi doonaan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ka dalbaday gudida wanaag farista iyo gudida ammaanka caasimadda inay booqdaan xabsiyada isla markaana wacyigelin siiyaan dadka jeelasha ku jira. waxana uu u rajeeyey gudiyada inay hawlaha ay u hayaan umadda uu ilaahay ku garab galo gudashadooda.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog@gmail.com