Gudoomiyaha garabka haweenka qarada Yurub xisbiga Ucid Marwo Amina Ismaciil oo ku baqaday in la qabanayo shirwaynahii xisiga ee Qarada Yurub
London18Feb14(SDN) Gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga ucid Marwo Amina kinsi Cubuli ayaa waxay taagero iyo hambalyo u dirtay qaar ka mida garabka haweenka ee xisbiga kulmiye ee ku soo biiray xisbiga ucid marwo Amina oo sheegtay is badalka dhabta ee ka muuqda xisbiga ucid waxay kale oo hambalyo u dirtay garabyada haweenka ee qarada yurub iyada oo sheegtay in dhawaan la qaban doono shirwaynahii xisbiga ee qarada yurub taas oo ay ugu baaqday haweenka xisbiga ucid laamahiisa Yurub inay u diyaar garoobaan iyada oo la ka shanaysa dhamaan madaxda xisbiga ee qarada yurub iyada oo la dardar galin dono lamaha yurub Marwo Aamina ayaa waxay sheegtay in dhawaan laysla qadan doono wadanka Marti galin doono shirkan ayna warbaahinta ku soo bandhigi doonto .Gudoomiyaha garabka haweenka qarada yurub ayaa waxay kale oo wax laga xumaado ku tilmaamtay Xukuumada talada haysa in ay cadaysatay inay caburiso saxaafada iyo in ay fara galin ku samaysay xisbiyada ugana digtay falalka nocan oo kala ah waxayna tilmaamtay in dhamaan tageerayasha xisbiga ucid ay ka jeejignadaan arimaha nocan oo kale meelna looga soo wada jeedsado gabagabadii waxay tageero buuxda u mujisay is badalka ka socda xisbiga ucid laamahiisa dibada iyo wadanka gudahiisa uguna baaqaday in laga qayb qaato.