Gudoomiyaha Degmada Sallaxley (Shiine) Oo ku Fashilmay Xuska Munaasiba 18 may Ee Qaranimada Somaliland iyo Maamul xumo Hadhaysay Sallaxley: Faallo By: Wariye Mawliid Maxamed Siciid
Iyadoo Asbuucan dhamaaday Dalka Jamhuuriyada Somaliland Siweyn Looga Dabaal degay Xuska Munaasibada Qaaliga ah Ee Qaraniimada Somaliland 18,ka May Sanadguura deeda 23’aad, Taasoo guud ahaanba inta ay ka kooban tahay Somaliland si Balaadhan looga Xusay Haday tahay Min Heer, Gobol, Magaalo, Degmo iyo Tuuloba intaba Taasoo Qaabka Isu soobaxa Degmo kasta iyo Magaalo kasta ay u Xusayeen Munaasibada 18 ka may ay Kala Darajo iyo Wacdaro badnaayeen. Sanad guurada 23,aad Ee Madaxbanaanida Somaliland 18 may Oo ay Dawlado iyo dadyow badan Oo daneeya Qadiyada gooni isutaaga iyo Qaraniimada Somaliland si goono ah Isha ugu hayeen Sida Dabaal dega 18 may uu Sanadkan uga Dhacayo Somaliland, Hadaba Sanadkan 2014, 18 May Degmada Sallaxley Oo kamid ah Degmooyinka Qadiimiga ah Ee Somaliland Ee sida wayna Hore Looga xusi jiri Munaasibada Qaranimada Somaliland ayaa Sanadkan La Odhan karaa markii ugu Horaysay waxaa ay Noqotay tii Ugu liidatay amaba Ugu meeqaamka Hoosaysay Bandhiga iyo Dabaal degga isusoobaxa Shacabka Xuska 18 may. Iyada Oo aanay Haba yaraatee Dhaq dhaqaaqa Dadwaynaha Sallaxley iyo Isu soobaxooduba aanu ahayn Mid Muuqda Oo diiran Waxaana taa Kasii yaab badnayd Iyadoo aanay Goobtaa Sallaxley Kasoo xaadirin Wax Masuuliyiin ah Oo kasocda Xukuumada Oo miisaan leh Haba yaraatee Halka ay khayrkeed Ama Degmooyinka lamid ahina ay Raxan wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasime yaal, ay ka qayb qaateen Su’aasha iswaydiinta mudani waxaa ay Tahay Sallaxley Maxaa lagaga yaacay Ee lagu Arkay Sanadkan? Maxaase dadweynaha Reer Sallaxley Hurdada iyo Habayac sanida Ku Habsaday Doorkan Ugu wacan, Taasi waa mid U Baahan amaba Khusaysa Dadka ka naxaaya Karaamada iyo Magaca Sallaxley Shacbiga Ku dhaqan Deegaankaasi inay Kala Xisaabtamaan ama ay Waydiiyaan Maamulka iyo Masuuliyiinta Sallaxley Ee dhexjooga Degmada Haatan Kuna Magacaaban, Iyadoo Habka Maamul iyo Gudoomiye’nimo Ee gudoomiyaha Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) iyo Sii joogitaankiisa Degmada Inbadan Laga qaylinaayay ayaa imaka Midhahii ugu Horeeyay Ee maamul xumadiisa Laga dhaxlay Shiine ay tahay 18 may iyo Sidii Looga xusay Sallaxley. Marar badan Suldaanka guud Ee Somaliland Suldaan Maxamed Suladaan C/qaadir, Aqoon yahan iyo Indheer garad badan Oo kasoo Jeeda Sallaxley waxaa ay Ku cel celiyeen kuna dardaareen Inaanu (Ismaaciil shine) U qalmin Gudoomiyaha Sallaxley iyo Maamulida Degmada Isla markaana aanay Abid Degmada Sallaxley Magoolaynin Horumara aanay gaadhayn Inta uu Joogo Shiine, Waxaase Nasiib darro ah Inuu ilaa imaka Meesha soo fadhiyo. Sidoo kale Qurba jooga Degmada ayaa Iyana Ka daalay Oo niyad jabna Ka taagan Waxqabad la’aanta Uu Gudoomiyahu Lasoo taagan yahay Iyagoo soo jeediyay In Degmadu u Baahan tahay Horumar Dad fir fircoon Oo aqoon leh umadana wax tara. Degmada Sallaxley ayaa waxaa Hadheeyay Maamul xumo iyo Musuq intii uu Gudoomiyaha Ka ahaa Ismaaciil Shiine Tasoo sababtay Inay Xildhibaanada Degmadu Gabi ahaanba ay Ka gaabsadaan La shaqaynta gudoomiyaha Waxaana la Odhan karaa Maanta waxaa ay Degmadu Ubaahan tahay Hiil qaran Si looga badbaadiyo Jarka uu Ka tuurayo Gudoomiyaha Ismaaciil Shiine Oo Gudcur madaw Gudaaya Sallaxleyna Ka dhigay Jasiirad Go’doon ah Oo Aradan Islamarkana Degmooyinka Kale ka danbaysa Geeswalba Iyadoo uu Ku fashilmay Gudoomiyahu (Shiine) Maamul wanaaga iyo Horumarinta Degmada. Qalinka: Mawliid Mohamed Said. Mahadcent@hotmail.com Hargeisa-Somaliland.