Gudoomiyaha Beel-Weynta Ciidagale Ee Dalka Maraykanka Oo Beeniyay War Sal Iyo Raad Toona Lahayn Oo Been Abuur Ah Oo Saxaafada Qaarkood Baahiyeen
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Ku Saxaafada Jamhuuriyada Somaliland Gudde Iyo Dibad-ba.
Ujeedo: Beenin, Cambaarayn Iyo Raaligalin Ku Saabsan Qoraalkii Hambaga Iyo Been Abuurka Ahaa Ee Saxaafada Qaarkood Baahiyeen.
Anigoo Ah Gudoomiyaha Gudida Guud Ee Beesha Ciidagale Ee Dalka Maraykanka, Ahna Gudoomiyaha Guud Ee Beesha Waxaan Beeninayaa Qoraal Been Abuur Ah Oo Ku Soo Baxay Saxaafada Qaarkood 17-Bishan, Qoraalkaas Oo Lagaga Been Abuuray Gudida Guud Oo Aan Anigu Kow Ka Ahay Iyo Dhamaan Xubnaha Sharafta Mudan Ee Magacyadooda Liiska Dheer Lagu Soo Taxay. Waxaan Si Weyn U Cambaaraynayaa Cidii Ka Dambeysay Tallaabadan Guracan Ee Sharci Darada ah Ee Intuu Is Qariyay Website-yada U Diray Qoraal Bilaa Sumad Ah, Isagoo Qofkaasi Qariyay Magaciisii, Emailkiisii Iyo Halka Uu Joogo Intaba. Qoraalkaas Oo Ahaa Mid Ka Aradan Milgaha, Anshaxa Iyo Xuquuqda Uu Qoraalku Leeyahay, Iyadoo Si Ba’an Loogu Weeraray Xildhibaan Dheeg.
Waxaana Haboon In Saxaafada Jamhuuriyada Somaliland Ka Fiirsadaan Faafinta Iyo Fidinta Baaqyada Naxliga Iyo Been Abuurka Xambaarsan. Waxaana Fiican In Saxaafadu Iska Hubiso Isha Ay Warka Ka Qaadanayso, Ka Hor Intaanay Fidin, Waayo Qoraalkii Been Abuurka Ahaa Ee Website-yada Qaarkood Faafiyeen Hadaad Dib U Daalacataan Kuma Xusna Cida Qoraalka Usoo Dirtay Anba Usoo Gud-bisay, Haday Magac Tahay, Haday Email Tahay Midnaba.
Ugu Dambeyntii Waxaan Dhambaal Raaligalina U Dirayaa Cidkasta Oo Qoraalkaa Fadaraha Ahi Gaadhay, Waxaan Sidoo Kale Dhambaal Raaligalin Ah U Dirayaa Abwaan Xildhibaan Dheeg Iyo Dhamaan Xubnaha Magacyadooda Loo Isticmaalay Baaqaas Qaribnaa.
Wabilaahi Tawfiiq.
Maxamed Cumar Yey.
Gudoomiyaha Beesha Ciidagale Ee Dalka Maraykanka.