Gudoomiyaha Baarlamaanka Ma Lahan Bogaga Lagu Sameystay Magaciisa Waana Looga Been Abuurtay
Muqdisho 30 May 2013 (SDN)— Mudooyinkan dambe waxaa si aad ah ugusoo badanayey baraha internetka gaar ahaanna baraha ay Bulshadu ku kulanto sida Facebook iyo Twitter shaqsiyaad iyagu adeegsanaya magacyada madaxda sare ee Dalka si gaar ahna shaqsi barta Twitterka ka sameystay bog uu ku sheegay inuu leeyahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo bogaasina ka sakoow xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka loo isticmaalay Sawirkiisa.
Hadaba Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka waxey u cadeeyneeysaa islamarkaana la socod siineeynaa shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan si gaar ahna bahda Warbaahinta in bogga:-https://twitter.com/Somali_Speaker uusan laheyn bog uu leeyahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee qofka magaca Gudoomiyaha iyo Sawirka adeegsanaya uu ka been abuuranayo.
Ugu dambeyn waxaan u mahad celineynaa bahdii Warbaahinta ee iyagu dhowray shuruucda saxaafadda islamarkaana markii ay arkeen warar boggaasi lagu daabacay nala soo xiriiray ayaga oo xaqiijinayey in warkaasi uu yahay war rasmi ah oo Gudoomiyaha kasoo baxay iyo inkale, sidoo kalena warbaahintii boggaasi wararka ka xigatay islamarkaana ayaga oo aanan sameyn wax hubin ah daabacay wararkaasi looga abuurtay Gudoomiyaha Baarlamaanka.
—-DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka