|

Gudomiyaha Gobolka Badhan Oo Magacaabay Gudidii Qaban Qaabada 18 May Kana War Bixiyay Hanaanka Iyo Geedi Socodka Udiyaar Garwoga 18-May Ee Gobolka Badhan

Badhan 14.May(SDN)Gudomiyaha gobolka badhan cabdixakiin wahaabi ayaa magacaabay gudida qaban qaabada sanad guurada 22 ee qaranimada somaliland ee maalinta 18may waxana gudomiyuhu sidoo kalena ka war bixiyay habsami usocodka iyo udiyaar garowga xuska 18 may sida looga dareemayo gobolkaasi badhan waxana uu sheegay inay maalinta lasoo noqoshada qaranimada somaliland ee 18 may ku xusi doonaan maqaamka ugu miisaanka culus dalka

Gudomiye cabdi xakiin wahaabi ayaa shaaca ka qaaday guud ahaanba shacabka gobolkaasi badhan ay ka midaysan yihiin inay wayneeyaan xusana maalinta 18 may oo ku beegan sabtida fooda inagu soo haysa isagoo amuurahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi

”Xuska 18 may sida ugu quruxda badan ayaan sanadka uqaban doona waxanan la baratami doona gobolada kale iyo caasimadaba wanan hubaa inaan kalinta kowaad ka geli doono jamhuriyada somaliland”

Gudomiyaha gobolka ayaa sidoo kale dhayda ka cadeeyay iftimiyayna in gobolka badhan uu ka midaysan yahay taageerida maw qifka jiritaanka qaramida iyo madax banaanida somaliland waxana uu carabka ku dhuftay in gobolkaasi ay si habsami ah usoo gaadheen raashinkii dawlada turkigu ugu deeqday somaliland sidii ugu habooneydna loogu kala diray degmoyinka gobolkaasi

Ugu dambayntiina gudomiye abdixakiin wahaabi waxa ku dhawaaqay sideeda xubnood ee qaban qaabada xuska 18 may ee gobolkaasi badhan

Gudomiye xigeenka gobolka Dr maxamed faarax     Xoghayaha gobolka cabdishakuur boodhle

Isu duwaha wasarada waxbarashada Faiza Xussen Mire,Isu duwaha wasaarada macdanta iyo biyaha Muxiyadiin Siciid Ducaale,Isu duwaha dhalinta iyo ciyaaraha Maxamed Abdulaahi Faarax ,Isu duwaha shaqada iyo shaqaalaha shacni dable,  Isuduwaha qorshaynta cumar cabdulaahi xuseen,Maayar Ku xigeenka degmada badhan cawshe maxamuud jamac

Waxana uu gudomiya cabdi xakiin wahaabi faray xubnahan uu xilka culus u cimaamaday inay sida ugu dhaqsaha badan uga shaqeeyaan hawlaha dar dargelinta iyo udiyaar garowga ee 18 may

Sikastaba ha ahaate qaban qaabada udiyaar garowga xiisada iyo xamaasada magaalada badhan ayaa ka duwan sidii sanadihii hore shacbiga reer badhan ay ku qaabili jireen xuska iyo jiritaanka maalinta gooni isu taaga qaranimada somaliland ee 18May.

Badhan SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed