|

Gudiyada Baarlamanka Federaalka oo Tababar looga Furay Magaalada Muqdisho

Muqdisho 26.Sep 2013 (SDN)- Ku-simaha madaxweynaha, ahna guddoomiyaha baarlammaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta guddiyada joogtada ah ee baarlammaanka uga furay magaalada Muqdisho aqoon is-waydaarsi ku saabsan dardargelinta howlaha baarlammaanka.

Jawaari-furitaan-300x240Jawaari oo hadal ka jeediyay furitaankii aqoon is-weydaarsiga ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu soo qabanqaabiyay aqoon is-weydaarsiga, looguna talagalay in guddiyada ay uga arrinsadaan habsami u socodsiinta huwlaha ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Furitaanka aqoon is-weydaarsiga ayaa waxaa Jawaari kala qayb galay guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka, guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka, marti-sharaf ka socotay beesha caalamka iyo howl wadeennada xarunta golaha shacabka.

Muqdisho SDN,

Qurbejoog.com

Comments are closed