Gudigga Xuquuqul Insaanka Barlamanka Soomaaliya oo doladda ugu baaqay in la siidaayo Wariye Koronto oo la xakumay
Muqdisho Feb 09 2013 (SDN)— War saxaafadeed ka soo baxay Gudigga xaquuqul insaanka haweenka iyo arimaha bani’aadamnimada baarlamanka soomaaliya ayaa dowlada Soomaaliya loogu baaqay inay xabsiga kasoo dayso wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim iyo Marwa Luul Cali Cismaan oo ay Maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay min 1-sano oo xarig ah kadib markii ay ku eedaysay maxkamadu kiis kufsi been abuur ah.
Warsaxafadeedka ayaa waxa warbaahinta u ariyay gudoomiyaha gudigga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxaana ay sheegtay in gudigga talooyinka ay soo jeediyeen ay u gudbiyeen Gudoomiyaha barlamanka Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar islmarkaana ay u sheegeen in labaahanyahay in la soo daayo Wariyaha xabsiga ku xeran iyo gabadha la xeran.
Dhinaca kale gudigga ayaa waxaa ay xukuumadda u jeediyeen in arintani loo saaro gudi madaxbanaan oo baara islamarkaana ay kuna jiraan sharciyaqaano , Haween iyo wasiirka cadaalada xukuumadda federalka Soomaaliya.
Maalintii talaadad aheyd oo ay ku beegneed 5 bishan ayaa maxkamada gobolka waxa ay min 1 sano oo xarig ah ku xukuntay wariye C/casiis iyo marwo Luul Cali Cismaan oo ay maxkamadu ku heshay danbi ah been buur iyadoo 3 kale oo eedaysanayaal ah uu ku jirto haweenayda la xukumay seeygeeda maxkamadu sii daysay.
SDN-Muqdisho