Gudigga Olompicada Soomaalieed ee GOS oo hogaan cusub maanta yeeshay
Muqdisho Jan 03 2013 (SDN)- Kaddib doorashoo uu hal musharax isu soo taagay ayaa waxaa ay 18-xubnood ee uu ka koobanyahay gudigga Olompicada Soomaaliyeed ay maanta ku doortay guddoomiye cusub oo hogaamiya Afarta sano ee soo aadan.
Xafalada doorashada oo ka dhacay Hotel kuyaalla Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Agaasimaha wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo wasiir kuxigeen wasaarada Hormarinta Adeega bulashada.
18-xubnood ee Olompicada Soomaaliyeed ayaa codkooda ugu shubay musharaxa isku soo taagay doorashada waqtigeeda laga soo hormarayay kaasi oo ah Cabdulaahi Axmed Tarib.
Sidoo kale waxaa la doortay sadax ku xigeen oo kala ah Axmed Cabdi Xasan Wataac, Xasan Elman iyo Ibaraahim Abuukar Shaamow.
Waxaa isla madasha lagu doortay xoghayaha Olompicad Soomaaliyeed waxaana loo doortay Duraan Axmed Faarax.
Inkastoo doorashadu ay dhacday hadana waxa ay dad badani is weydiinayaa sababta keentay in hal musharax uu isku soo taago xil sidan u weyn oo qaran dhan uu leeyahay.
Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa waxa keenay in laga soo hormariyo doorashada waqtigii loogu talagay.
Qaar ka mid ah xubnaha ka tirsan Xiriirada kala duwan ee Olompica ayaa ii sheegay in howashan ay aheyd qoshe ay dad gaar ah soo abaabuleen islamarkaana aan lagu soo wargalin taasi oo keeni kartay gaabis wadashaqeynta mas’uuliyiinta ladoortay.