Gudiga Anshaxa ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka baarandegeya Anshax marinta Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh
Muqdisho April 24,2013(SDN)-Guddida Anshaxa ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan eegaya tilaabada ku haboon ee guddidu ka qaadi kareyso Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh ka dib kolkii uu tiraba dhawr jeer hab sharciga baalmarsan uga horyim tilaabooyin ay dawlada dhexe ee dalku hore u qaaday.
Sida ay ilo wareedyo ku dhaw guddida ay noo sheegeen Xildhibaan Cali Khaliif ayaa tiraba dhawr looga digay in xubinamadiisa Baarlamaanka uu si khaldan u isticmaalo.
Xildhibaan Cali Khaliif ayaa Dhawaan si ba’an u weraray kulamo iyo heshiisyo dhex maray dawlada Soomalaiya iyo Maamulka Somaliland.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale hab xeer hoosaadka Baarlamaanka baalmarsan gollaha u horkeenay mooshin lidi ku ah heshiiskii Soomalaiya iyo Somaliland Turkey ku dhexmaray.
Guddida ayaa si gaar ah u eegeysa in xildhibaan Cali Khaliif ku xadgudbay qodob ku xusnaa heeshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland dhex maray oo xusayay in labada dhan ay ka waantoobaan wixii keeni karaya kala fogaasho.
Si kastaba ha ahaatee Bulshada Soomaaliyeed ayaa intoooda badani waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen isu soo dhawaashaha labada dhan.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com