|

Gudidii Xalinta Khilaafka Ururka Suxufiyiinta ee Solja oo Go’aamo Hor leh ka soo Saaray Ismaandhaafka Hogaanka Ururka {DHAGAYSO}

Hargaysa 16.Sep 2014 (SDN/QJ)- Gudida khilaaf saarka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay khilaafka markale ka dhexqarxay ururkaasi oo ku heshiin waayay qabanqaabadada shirwyanaha shanaad oo la qaban lahaa dhamaadka sanadkan.

Solja-280x300Gudidadan oo ka kooban suxufiyiin waayeel iyo waxgarad iskugu jirta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inuu markale soo kala dhexgalo khilaaf ay hore u xaliyeen ka gudi ahaan.

Madasha Gudida khilaaf Saarku Go’aamadan kaga dhawaaqayeen oo ay fadhiyeen Xuseen Cali Nuur,Maxamed Aw Aadan iyo Maxamed Cabdi Ilig.

Gudoomiyaha gudida khilaaf saarka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja suxufi Xuseen Cali Nuur ayaa sheegay wakhtiga la qaban doono shirwyanaha shanaad ee ururka,waxaanu tilmaamay inaanay waxba ka jirin go’aamada kale ee ay soo saareen hogaanka sare ee ururku

Gudida khilaaf saarka ururka solja ayaa waxa uu soo saaray qodobo dhawr ah oo xal u noqon kara khilaafka ragaadiyay ururkaasi.

Gudida fulintu waxa uu ku amaanan yahay inay  ogolaadaan gudi dhexdhexaanideed ay sharci ku dhameeyaan khilaafkii horyaalay,isla mar ahaantaana ay kalsooni buuxda sameeyaan.

Dhinaca kale isaguna waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdi Ilig  oo xubin ka ah gudida khilaaf saarka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxanu sheegay in loo baahan yahay in khilaafka hore loo dhameeyo shirwaynahana hore loo qabto.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa gudidan khilaaf saarku waxay hore u dhameeyeen khilaaf soo kala dhexgalay kaasi oo salka ku hayay cida magacaabaysa gudida qaban qaabada  shirwaynaha shanaad ee ururka la doonayay inuu qabsoomo sanadkan dhamaadkiisa.

Gudida ayaa qodobo iyo talooyin wax ku ool ah u soo jeediyay masuuliyiinta iyo golaha fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO GO’AAMADII GUDIDA KHILAAF SAARKA SOLJA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Solja16.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed