|

Gudidii Turxaan Saarka Khilaafka Xisbiga Kulmiye oo Dalka ku soo Laabtay iyo Hakadkii isu soo Jiidka labada dhinac oo la filayo inuu bilaabmo

Hargaysa 11.Feb 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Guddida xalinta khilaafka Xisbiga Kulmiye Wasiir Maxamed Biixi Yoonis iyo ku-xigeenkiisa Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami ayaa shalay ku soo wada laabtay Caasimadda hargeysa kadib markii safari kala duwan ay u baxeen labadii toddobaad ee ugu danbeeyey.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis iyo Cadami ayaa la filayaa in ay guda galaan fadhiyadii u sii dabranaa ee ay la lahaayeen labada Garab ee isku haysta Xisbiga Kulmiye kuwaas oo aan sii qabsoomin mudadii ay maqnaayeen.

Guddida Turxaan bixinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa laba wareeg la kala yeelatay labada garab, waxaana la filayaa kulanka xiga ee ay guda gali doonaan in uu noqon doono mid la isku soo horfadhiisiin doona labada Dhinac.

Kulankan oo ah mid muhiimadiisa leh ayaa qorshaysnaa doraad hase yeeshee waxa looga maarmi waayey oo lala sugayey labada Masuul ee ugu sareeya guddida oo la odhan karo waa odayaasha la biday in ay hogaamiyaan wadahadalka.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa u asteeyey shirweynaha dhawrka jeed baaqday ee Xisbiga Kulmiye 22 bisha March, hase yeeshee illaa hada ma muuqdo go’aan rasmi ah oo meesha ka saaraya caqabada dhawrkaas jeerba dib u dhigtay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed