Gudida Qaban qaabada Xuska 18 May oo Fariin u diray Shacabka Somaliland {DHAGAYSO}
Hargaysa 02.May (SDN) Gudida Qaban qaabada Xuska 18 May ee dib ula soo noqoshada Madax banaanid Jamhuuriyada Somaliland ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Caasimada Hargaysa waxay baaq u direen Guud ahaan Shacabka Somaliland Meel Kasta oo ay Joogaan kana dalbadeen Inay Si Milgo iyo Maamuus leh u Weyneeyaan Xuska 22 Guurada Madax banaanida Somaliland.
Gudidan ooo uu Gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa bulshadfa somaliland ka dalbaday inay Si weyn u Muujiyaan Xuskan isla markaana dareen Midaysan Mucaarid iyo Muxaafidba ku qaabilaan
Shirkan Jaraa’id waxaa kale oo ka hadlay Wasiirada Waxbarashada,Kalluumaysiga,Wershadaha,Maayarka Caasimada,Maayarka Caasimada Hargayasa iyo Xubno kale.
Dhanka kalena,Kulankaas oo ay ka hadleen, wasiirka wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda Mud, Cabdillahi Jaamac Cismaan-Geel-jire-, Wasiirka Waxbarashada Marwo SamSam Cabdi Aadan,Wasiirka Wasaarada wershadaha Mud, C/risaaq Cali cismaan, Maayirka Caasiimada C/raxmaan maxamuud Caydiid,iyo Xubnaha kale ee Gudiga ayaa ugu baaqay dadweynaha , inay si balaadhan uga qayb qaataan sanad Guurada xuska la soo noqoshada madax-banaanida somalilansd ee 18Ka,May. Iyaga oo ujeediyey Jaaliyadaha somaaliland ee dibadda ku dhaqan inay iska kaashadaan sidii ay ugu muujin lahaayeen cududooda qaranimada somaaliland. Iyaga oo sheegay inay kala qayb qaadan doonaan wufuud golayaasha qaranka ka tirsani.
Waxa kale oo Guddigu ay war-baahinta dalka ujeediyeen inay door weyn ka qaataan wacyi gelinta abaabulka xuskan iyo soo bandhigidda taariikhda madax-banaanida Somaliland iyo horumarkeeda.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Gudiqabanqaabo2(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com