Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo Xog Waran ka Dhagaystay Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista
Hargasya 13.April (SDN) Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta xaruntooda ku dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan waxkaqabashada aflagaadada lagula kaco diinteena suuban iyo codsiyo kale oo ay soo gudbiyen Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ee dalka JSL.
Waxaa warbixintaas golaha hortiisa ka soo jeediyey G/xigeenka gudida wanaag farista Sheekh Cawl Xuseen Cali uu ku sheegay in xaaladda guud ee ka hortagga aflagaadada diinteena wax weyn laga qabtay, gudiduna ka hawlgasho shan ka mid ah lixda gobol ee waaweyn ee dalka.
Sheekhu waxa uu sheegay inay shuruucda taalla maxkamadaha ay ku yar yihiin qodobo si toos ah u muujinaya ciqaabta ay mudan karaan shaqsiyaadka aflagaadeeya diinta suuban.
Dhanka kalena Sheekh Cawl waxa uu ka codsaday golaha guutida somaliland inay ka hawlgalaan sidii loo calaamadin lahaa loona dhaqan gelin lahaa shuruucda qeexaysa habka ciqaabeed ee ay la kulmayan dadka gala dembiyada u saabsan aflagaadada diinteena islaamka.
G/xigeenka gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland Md cawl Xuseen ayaa kulankaasi ka ballanqaaday in gudida joogtada ahi aywarbixintan u gudbin doonaan gole-weynaha guurtida ee dalku leeyahay, waxana uu ku dhiirrigeliyey gudida wanaag farista iyo xumaan reebista inay hawlahooda u dhabar adaygaan isla markaana hawlgaladooda wada gaadhsiiyaan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com