Gudida Doorashooyinka Somaliland oo Daboolka ka Qaaday Maanta Hannaan Cusub oo Codbixiyeyaasha loo diiwaangelinayo
Hargaysa 06.April 2014 (SDN)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay Nidaam cusub u diwaan galinayaan Codbixiyeyaasha Doorashooyinka sanadka soo socda. Afhayeenka Guddiga Axmed Xirsi Geelle ayaa sheegay in Wiilka Isha laga sawiri doono dadka la diwaan galinayo halkii hore Farta looga qaadi jiray.
“ Waxa weeye Nidaam casri ah oo electaroonig ah(Electronic) oo halkii dadka Farta laga qaadi jiray waa laga guuray oo waxaanu ka qaadaynaa Isha oo Wiilka ayaa la sawirayaa, waana nidaamka cusub ee khubaradu noo sheegtay inuu Boqolkiiba Boqol ka wanaagsan yahay kii hore ee Farta laga qaadayay, oo halkii malyan ee qofba qof kaliyi qaldami karo.” Ayuu yidhi Afhayeenka Doorashooyinka oo BBC-da la hadlayay.
Axmed Xirsi Geele waxa uu sheegay in si adag looga hor tagayo ku celcelin ka dhacday Diwaan galinta doorashooyinkii hore islamarkaana Kombiyuutarku soo saarayo Cida ku celcelisa “ Diwaan gelintu maalin ma wada dhacayso Gobolba maalin ayay ka dhacaysaa, laakiin waxaanu samaynay in marka Gobol maalintaa laga qaado Isha ee la diwaan galiyo isla 24-kii saac gadoohoodba Kombiyuutarkii dib loogu celiyo oo markaaba ay soo baxo wixii ku celceliyey. Xataa haddii qofku Gobol kale tago marka xarunta la iskugu wada keeno ayuu soo saarayaa wixii ku celcelin ah Kombiyuutarku” ayuu yidhi Mudane Geelle.
Afhayeenka Guddiga Doorashada Somaliland waxa uu sheegay in mudo ilaa afar bilood ah ay ku samayn doonaan Diwaan galinta islamarkaana si aada looga taxadarayo inay xumaato ama lagu celceliyo.
Afhayeenku Waxa uu Intaas ku daray inay Hawsha Diiwaangelinta Bilaabi doonaan Bisha September ee Sannadkan Waxaanu Xusay inay Filayaan in Lacagta ku baxaysa ay inta ka horaysa helaan
Diwaan gelintii hore ee Xukumaddii Rayaale ayaa ku celcelin dhacday darteed aan noqon mid sidii loogu tala galay u dhacday.
Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa iyana ku doodaya in la dedejiyo Diwaan gelinta Codbixiyeyaasha Doorashada 2015-ka ee Madaxtinimada iyo Wakiilada.
Hargaysa SDN.