|

Gudida Baadhista Xasuuqii ka dhacay Geyiga Somaliland Xiliyadii Taliskii Siyaad bare oo Mar kale ku Celiyay Qaylo dhaan adag

Hargaysa 09.October 2013 (SDN) Gudida Baadhista xasuuqa ee JSL ayaa
markii labaad muddo bil gudaheed ah ku celisay baaq ay u soo jeediyeen
dadweynaha reer Somaliland gaar ahaan Gobolka Maroodijeex, kaasoo ay
kaga dalbanayaan in la ixtiraamo goobaha taariikhiga ah ee xabaalo
wadareedyada ah ee ay ku jiraan dadkii reer Somaliland ee lagu
xasuuqay colaadii sanadihii sideetameeyadii.

Gudoomiyaha gudida baadhista xasuuqa Md Khadar Axmed Like oo u waramay
Shabakada Qurbe Joog.com ayaa uga mahadceliyey sida ay dadweynahu uga
ajiibeen baaqii hore waxana uu ku celiyey in si guud looga taxadaro
caddaymaha muujinaya taariikhdii adkayd ee umadani soo martay, taasoo
maantana ah faylasha ugu muhiimsan ee aynu kula garnaqsanayno beesha
caalamka iyo dalalka deriska inala ah ee isla wadahadalada isla
xisaabtankka ku dhisani inaga dhexeeyaan.

Dhanka kalena Gudoomiyaha Gudida baadhista xasuuqa Somaliland waxa uu
uga digay dadweynaha caasimadda hargaysa inay deegaameeyaan dhulka ay
ku yaalaan xabaalo wadareedyada, halka sidoo kalena uu gudoomiyahu ku
celiyey in aan la qodin goobahaasi si aanay isaga bedelin muuqaaladii
ay lahaayeen.

SDN-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed