|

Gudida Aqoonyahanka Hargeysa oo Taageero Mug leh siiyay Gollaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka

Hargeysa July 21,2013(SDN)-Guddida Aqoonyahanka Bartamaha iyo Konfurta Hargeysa ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku Taageereen asaaska Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ee horaantii bishan Hargeysa Looga Dhawaaqay.

“Gudida aqoonyahanka ee degaanka badhtamaha iyo koonfurta Hargeysa waxa ay si xoogan u taageerayaan golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee dhawaan lagaga dhawaaqay caasimada Jamhuuriyada Somaliland.

Markaanu aqoonsanay 16ka qodob ee ay ka soo saareen xaalada murugsan ee uu dalku marayo,marka aanu eegnay talaabada qaloocda ee ay dawladu kaga jawaabtay,markaanu aragnay wejiga ay dawladu adeegsanayso ee shacabka uga dhaadhicinayso inuu golahaasi yahay gole 4aad oo 3dii gole ee hore ku soo kordhay sharcigana baal-marsanyahay.

Aragtidaa xukuumada oo runtii ah dacaayad taban oo la mid ah kuwii uu dhiigya-cabkii Afweyne u adeegsan jiray cidii ka soo horjeed-sata.
Markaanu xaqiiqsanay xaalada murugsan ee uu dalku marayo,dibna loogu hayaamay siyaasadii belays-nayd ee aynu ka soo gudubnay,gadh-wadeena ka tahay xukuumada dalka hogaamisaa waxa aanu rumaysanahay inuu dalku u baahanyahay golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka.Kaas oo aanu rumaysanahay inuu xoojinayo xisbiyada mucaaridka ah,xaqna ay tahay inuu dalku yeesho “Pressure goups.”
Sidaa darteed waxaanu si xoogan u taageeray-naa golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka.
Allaa Mahad Leh.

Gudida badhtamaha iyo Koonfurta Hargeysa
Hargeysa/Jamhuuriyada Somalilalnd.

Comments are closed