|

Gudi Madaxweyne Faroole Uu Uxilsaaray Hoos U Dhaca Doolarka Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Halka Ay Wax U Marayaan

Garoowe March 20 2013 (SDN)—Gudi dhawaan Madaxweynaha maamulka Puntland uu uxilsaaray qiimeynta hoos udhaca lacagta doolarka mareykanka ayaa waxa ay tafaasiil ka bixiyeen halka ay umarayaan qiimeynta ay ku hayaan lacagahaasi.

Gudigan oo Madaxweynaha Puntland uxilsaaray soo ogaanshaha sababta keentay inuu doolarka hoos udhaco ayaa waxaa madax u ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada maaliyada Puntland Cabdi Warsame Qowdhan isaga oo sheegay in iminka howsha ay meel wanaagsan ay umarayso.

Wuxuu sheegay in guddigan uu ka kooban yahay sagaal xubnood oo Madaxweynaha uu magacaabay iminkana ay wadaan howlaha loo xilsaaray isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan ay warbixin soo saari doonaan.

Deeganada maamulka Puntland ayaa maalmahan dambe waxa ay ciidanka ammaanka ee deeganadaasi ay ku qabteen lacago shilin Soomaali ah kuwaasi oo loosoo waday dhanka koonfurta sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Puntland.

SDN-Garoowe

Comments are closed