Gudi loogu Magac Daray Mihnad layaasha Caafimaadka oo Hargaysa lagaga dhawaaqay
Hargaysa 05.June (SDN) Madaxweyne ku xigeenka jsl.Md. C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (saylici ) ayaa maanta ka qaybgalay kulan balaadhan oo si rasmi ah loogaga dhawaaqay hawlgalka gudida qaranka ee mihnadaha caafimaadka .
Kalankan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax. Xubnaha Gudida Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka , wasiirka wasaaradda Caafimaadka Md. Xuseen Maxamuud Muxumed, wasiirka Diinta iyo Awqaafta SH. Khaliil C/llaahi Axmed iyo marti sharaf balaadhan ayaa hadal u ka jeediyay wasiirka wasaaradda caafimaadku waxa uu ku dheeraaday doorka caafimaadka Bulshada ay u leedahay sharciyayanta iyo hawlgalka Gudidan oo uu sheegay in ay si rasmi ah haatan u hawlgeli doonto ,waxaana uu Bulshada u jeediyay in ay gacan buuxda ku siiyaan hawsheeda.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Md.Baashe Maxamed Faarax oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in ay sharciga gudidan mudnanta uu leeyahay siin doonan gole ahaan kadibna dhaqangalintiisa ay dabagal ku samayn doonaan .
Kulankan oo ka dhacay Huteel Maansoor ee magaalada Hargaysa ayaa hadal uu Gabagabadiisii ka jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxman C/llaahi Ismaaciil “Saylici” waxa uu ku sheegay in hirgelinta Gudida Qaranka ee mihnadaha caafimaadku ay Dal ahaan qiimo weyn inoogu fadhido waxaana uu xusay in ay lagama- maar tahay fulinta sharciga gudidaas lagu dhisay iyo ku dhaqankiisu .
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu dadaweynaha ku booriyay in ay gacan buuxda ku siiyaan gudidaas qaran hawsheeda oo uu sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonaan daryeelka caafimaadka guud ee bulshada , isaga oo ku tilmaamay hirgalinta gudidan caafimaad talaabo hore loo qaaday oo aan wadamo badan u hirgelin.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com