Gudi Hoosaadka Wakiilada ee Ilaalinta Hantida Qaranka oo Xog Waran Maanta la Yeeshay Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka DAAWO
Hargaysa 27.May 2015 (SDN/QJ)- Gudida ilaalinta iyo dalyeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay maareeyaha haamaha Kaydka Shiidaalka ee Magaalada Berbera.
Gudoomiyaha Gudida Ilaalinta iyo Daba galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Maxamed ayaa Sheegay inay Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka ay ka xog waraysteen Gudi ahaan hawlaha shaqo iyo waxyaabaha u qabsoomaysay Haamaha kaydka shiidaalka waxaanu intaas ku daray inay qirsan yihiin Gudi ahaan in Shaqo wanaagsan ay qabteen Maamulka Haamaha Kaydku.
Sidoo kale Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka Saleebaan Siciid Cali ayaa dhankiisa uga mahadnaqay Gudida Ilaalinta iyo daba galka ee hantida qaranka xogwaraysiga ay la yeesheen.