Gudi Hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida oo Ka Hadlay Wararka laga rabo inay Saxaafadu baahiso
Hargaysa 16.July 2014 (SDN/QJ)- Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa hay’adaha warbaahinta kala duwan ee dalka ka codsaday in aanay baahinin wararka xanafta leh ee la xidhiidha beelaha iyo magacyadooda.
Xubnaha Guddida Joogtada oo kulan kula yeeshay suxufiyiin ka kala socday warbaahinta kala duwan ee madaxbannaan iyo ta dawliga ahba xarunta Baarlamanka shalay, waxay ka waaniyeen warbaahinta faafinta wararka iyo dhacdooyinka ku saabsan beelaha ee cid ujeeddo gaar ah leh adeegsato, taas oo ay ku tilmaameen mid abuuray khilaaf nabadgalyo-darro oo aan dan u ahayn dalka iyo shacabka toona.
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Joogtada Md. Muuse Xaaji Cabdi Ducaale oo ka hadlay kulankaasi, ayaa sheegay in bulshadu cabasho weyn ka muujisay wararka beelaha ee warbaahinta laga siidayo, gaar ahaan shakhsiyaadka sheegta inay ku hadlayaan magaca beel dhan oo aanay wada meteli karin ee haddana ku dooda in beeshoodu go’aan gaadhay.
“Muhiimadda ugu weyn waxa weeye idinka ayaa udub-dhexeed u ah arrintan, waayo cid ogaanmayso afar qof oo meel afka isa saaray oo yidhi reer hebel aan cambaarayno, ciddi ogaan mayso ilaa ay TV taagaan ama warkooda la soo qoro, markaana warkii wuxuu gaadhayaa caalamkoo dhan. Nin joogga caasimadda Sweden ama waqooyiga Maraykanka oo midi sita oo leh reer hebel ayaan la dagaalamayaa ayaa halkaana ka muuqanaya oo isna war ka soo diraya,” ayuu yidhi Md. Muuse Xaaji Cabdi.
Xildhibaan Cabdiraxman Axmed iyo Xildhibaan Cali Aadan Qalinle oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa warbaahinta ku booriyey in aanay waxba ka duubin ama ka qorin siyaasiga adeegsada beel magaceed, iyagoo saxaafadda u soo jeediyey inay siyaasad cad ka yeeshaan arrintan.
“Bulshadeenu saxaafadda wax badan kama fahansana, waana dad aqoonta iyo waxqoristu ku yar tahay, sidaas darteed saxaafad ahaan idinkaa aqoontii leh ee waa inaydaan wax kasta oo la idiin sheego baahin ee aad ku samaysan faaf-reeb oo aad ka reebtaan wixii dalka, dadka iyo qarankan wax u dhimaya,” ayaa ka mid ahaa hadalka xildhibaannada.
Waxa kale oo kulankaasi ka hadlay Md. Siciid Cabdillaahi Yasir iyo Md. Maxamed Cabdiraxman oo tilmaamay in isticmaalka magacyada beelaha iyo baahinta warbaahintu yihiin dhaqan cusub oo iminka dalka ku soo kordhay, loona baahan yahay in warbaahintu joojiso wararka dadka sheeganaya magacyada beelo gaar ah.
Xildhibaannadu waxay xuseen in Golaha Guurtida u xilsaaran yahay ilaalinta dhaqanka, diinta iyo nabadgalyada ay waajib ku tahay in ay warbaahinta u soo bandhigaan dhibta arrintani keentay.
Xubno ka mid ah suxufiyiinta ka socday warbaahinta oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey arrintan oo ay sheegeen in aanay hay’adaha warbaahintu u sinayn baahinta magacyada beelaha, isla markaana inta badan saxaafaddu ku dadaasho inay ilaaliso dhaqanka iyo nabadgalyada dalka ee aanay ahayn mid ka shaqaysa dumista dalka.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com