|

Gudi Hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada ee dhawaan isku shaandhaynta Lagu sameeyay oo Isu Yimid iyo arrimihii ay ka wada Hadleen

Hargaysa 26.Dec 2013 (SDN)- Waxa maanta xarunta golaha wakiilada gaar ahaan Xafiiska gudida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha gudidaas.

Kulankan oo uu gudoominayay gudoomiyaha Gudida Mudane Maxamed Cali Xirsi ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay xubnaha gudidaas oo uu ka mid yahay Gudoomiye Kuxigeenka Cabdiqaadir jaamaca Xaamud, Naasir Xaaji Cali shire, Ibraahim Axmed Haybe, Xuseen Ismaaciil Yuusub iyo Xildhibaan Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos -ujeed).

kulankan ayay gudidu ku falanqaysay qorshayaaasha iyo hawlgalada gudida ee mudada soo socota waxaana gudoomiye Maxamed Cali Xirsi iyo Xuseen Ismaaciil Yuusuf ay ka sheekeeyeen khibradoodii gudidan oo ay hore member uga ahaayeen caqabadihii ka hor yimi iyo sida hada lagu wajighi karo.

waxay gudidu isla qaadatay in qorshaha ay ku hawlgelayaan la soo diyaariyo todobaadka soo socda  gudihiisa .

gil gil4 gil3 gil1

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed