Gudi dastuurka dib u eega oo la doortay
Muqdisho January 07, 2022 (QJ) – Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay manta yeesheen waxa lagu doortay guddi dib u eegis ku sameya dastuurka Soomaaliya.
Doorashada Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo tartamay ayaa Xilka Guddoomiyaha waxaa ku guulaystay Xildhibaan Xuseen Iidow, halka guddoomiye ku xigeenka guddigana uu ku guulaystay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka xoghaya guddigana waxaa loo doortay Senator Saciid Cabdi Xuseen.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehlisay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Samatar oo shirka guddoomiyay kulanka Baarlamaanka ayaa bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Guddiga Dastuurka Baarlamaanka iyagoo ku booriyay in ay si hufan oo xilkasnimo leh u gudtaan waajibaadka loo igmaday ee qabyo tirka Dastuurka Soomaaliya.
Baalamanaka Soomaaliya ma sharexin qodobada dib u eegista lagu sameynayo, sababaha keenay, sidoo kale ma cada hogaanka manta la doortay khibradooda ama aqoontooda hawlaha loo igmaday.